Midowga Musharaxiinta Q/Midoobay Iyo Dowlada Somalia oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Gaalkacyo

19″ December “2020”

Qaar ka mid ah Musharxiinta u taagan xilka Madaxweynaha 19″ Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax khasaaro badan dhaliyay oo Galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shariif Sheikh Axmed Maadxweynihi hore Dowladdii KMG ahna Guddoomiayah madaxsha Xisbiyada Qaran ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka hadlay dhacdadii galabta ka dhacday Gaalkacyo.

“Waxaan murugada la wadaageynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, innagoo ka tacsiyeynayna walaalihii nooga geeriyoodey qaraxii argagixisadu ku weerareen magaalada Gaalkacyo. Waxaan si gaar ah tacsi ugu direynaa taliska ciidanka xoogga dalka, dowlad goboleedka Galmudug, qoysaskii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay marxuumiintu ka baxeen.Argagixisadu malahan wax naxariis ah sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed madax iyo shacab inay gacmaha isku qabsadaan sidii loo cirib tiri lahaa” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

Dhanka kale Cabdiraxmaan C/Shakur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Qaraxa, waxaana uu sheegay in mudnaanta la siiyo amniga, xasiloonida siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashya Qaraxaasi, waxaana wararku tibaaxayaan in dhimashadu ay ku dhawdahay 10 ruux, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay, waxaana dadka Qaraxaas ku dhintay ka mid ah Saraakiil Ciidan oo uu ku jiraan Gaashaanle Mukhtaar oo ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo taliyihii qeybta 21aad General Qooje, kuwwasi oo u geeriyooday Dhaawac culus oo soo gaaray.

Sidoo kale Qaraxa dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland Yaasiin Tumeey, waxaana jira Saraakiil iyo Askar kale oo ku dhintay Qaraxa sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan.

QMidoobay Ayaa Cambaareysay Qarax Saraakiil Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo, war kas soo baxay Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Qaraxa Ismiidaamin ah oo lagu weeraray  dad shacab ah iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, dalka uu ahaa mid aannla aqbali Karin

Madaxweyne Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Ka Dhacay Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii  ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

Leave a Reply