19″ December”2020
Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya.
Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.
Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.
Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa mar walba waxa ay ku adkaysanaysay inaysan wax farogelin ah ku hayn arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da la hadlay ayaa wasiirka amniga Jubaland ku eedeeyay in uu Jabhad ka abaabulayo gudaha Kenya.
Balse Cabdirashiid Janan ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.