Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay in Ciiddanka Kenya (KDF) ay ka bixi doonaan Somalia marka la gaaro December 2024


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

5- October-2023

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay in Ciiddanka Kenya (KDF) ay ka bixi doonaan Somalia marka la gaaro December 2024-ka, markaasoo dhammaan Waddamada ku yaboohay Hawlgalka Nabad-ilaalinta ay ka bixi doonaan Somalia. Dheeho News Every Day

Ducaale, oo ka soo hor muuqday fadhiga guud ee senate-ka si uu uga jawaabo su’aalaha senatarada, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada KDF ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Waxa uu u sheegay Senatka in uu socdo istaraatiijiyad dhimista ATMIS, kaas oo ujeedkiisu yahay in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Leave a Reply