Xoola, dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada hoos taga gobolka gedo waxay noqdeen kuwo duuliyaasha diyaaradaha
Dagaalka Kenya ay ku qaataan tababar duqeeyn oo joogta ah duhur iyo habeen tiiyoo muxaafad iyo mucaarad madaxda somalia ay ku soo koobeen kaalintooda in ay indhaha ka daawadaan masiibada ciidamada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed .
Kenya waxay markale maanta duqeeyn ku bartilmaameed sadeen degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbaharreey, waxaa si gaar ah loo duqeeyay degaanada: Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji iyo Baliga Dhadhaable,
Madaxweynaha somalia maxamed c/laahi farmaajo oo dhawaan su,aal laga waydiiyay waxa uu sheegay in uu ka gaabsanayo xasuuqa ciidamada Kenya ay ka wadaan gobolka gedo oo horay ugu burburiyeen Isgaarsiinta hormuud.
Dadka shacabka ah ee soomaliyeed meel kasta ooy joogaan waxaa ka muuqata in ay ka damqanayaan xadgudubka ciidamada Kenya ay ku hayaan dhulka soomaalida hadana marka laga yimaado ka xumaanshahaas ma jiro cid falcelin ka muujisa tiiyoo siyaasiin badan sababta aamusinaysa la,la xiriirinayo iyaga oo u cabsanaya in laga la wareego hantidii ay ka xadeen qaranka somaliyeed oo Kenya ku maalgashteen .
W,Q Elmi Osman Boodhari