Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
27″ November “2022” Muqdisho
Dagaalamayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday hotel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Dheeho.com
Sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in ragga hubeysan ee hoteelka weeraray ay xirnaayeen jaakadaha qarxa
Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugnaa Villa Rose ayaa la soo badbaadiyay kadib markii ay isticmaaleen in ay ka soo boodaan daaqadaha si ay uga baxsadaan, sidaas waxaa yiri Mohammed Abdi oo ka mid ah saraakiisha booliiska.
Wasiiru dowlaha deegaanka Aadan Aw Xirsi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu bad qabo ka dib markii “Qarax Argagixiso lala beegsaday gurigeyga” hotelka oo ay degan yihiin mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan.
Laakiin Warar ay heshay TV-ga Dalsan ayaa sheegaya in Wasiirada Amniga iyo Kaluumeysiga laga soo badbaadiyey hotelka la weeraray
Weerarkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii ay dowladu sheegtayn in alshaab laga dilay 100-dagaalame Iyo Muqdisho wali la taaheeysa weerardii Zope || ee 29 kii October ay ku dhinteen qaraxyo mataano ahaa ugu yaraan 100 qof oo aan waxba galbsan
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay weerarkan ugu dambeeyay oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda hubeysan ee Al-Shabaab
Argagixsada shabaab ayaan arkin Iska cabin laga la horyimid 5 tii sano Farmaajo–Laakiin tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, oo taageero ka helaya dadka deegaanka–Alshabaab waxay wajahayaan dagaal dhinacyo badan leh–Inkastoo natiijadu ay tahay mid kooban