7″ Dec”2022″ Dheeho Webmaster
Dareen Noocee Ah ayay kugu heeysaa Maqanaasha dadka Ay afduubtay Alshabab oo aan tiradooda la heeyn ?
SOMALIA” Dad rayid ah oo aan qiyaastii la ogeeyn inta ay tiradoodu gaarsiisan tahay ayaa wali la la’yahay, iyadoo Al-Shabaab ay qafaasheen dadkii ku noolaa degmada Aadan Yabaal si ay uga dhigtaan gabaad , waqtigan waxay aheeyd in dowlada ,bulshada raiyidka iyo warbaaintuba ay raadiyaan dadka la heeysto ee degmada aadan yabaal
Degmada aadan yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa haawaneeysa Tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo xoogaga dadweynaha ay laba maalmood ka hor la wareegeen magaaadan istiraatiijiga ah oo kooxda Al-Shabaab ay maamulayeen muddo lix sano ka badan
Dadkii ku noolaa Magaaladan ayay dagalamayaasha shabaab Afduub kaga kaxeeysteen guryahoda lama oga halka ugu qafaalan yihiin iyadoo ay jirto inaan la sheegi karin tirada rasmiga ah ee dadka laga la baxay guryihii ay kaga jireen dagmadan rajeeyneeysa in ay aragto bulshadii ay weheshan jirtay
Inkastoo Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud uu muujiyay murgada iyo culeeyska ay ku heeyso dadka alshabaab ay guryahooda ka kaxeeysatay hadana dowladda Soomaaliya ayaan wali soo bandhigin ka go,naasheeda ku aadan in ay baadi goob u gasho dadkii ku noolaa degmadan ooy suurtagal tahay in rafaad iyo silic ay ku maryaan dhul bahgooyo ah oo ay adagtahay in lagu noolaado
Kooxda Shabaab oo muddo 15 sano Somalia ka wadey dagaal dhiig badan ku daatay ,ayaa magaalada cidlada ah ee laga la wareegay ee Aadan Yabaal waxay u isticmaali jireen xarunta sa犀利士 adka iyo Isku xirka magaalooyinka ay Galmudug heeystaan iyo kuwa laga kiciyay ee Hirshaeele
Argagixisada shabaab ayaa sidan oo kale u kaxeeysatay dadka deegaanka wabxo xili ay ka cararayeen ciidamada iskaashaday ee dowlada & dadweynaha waxaana suurtagal ah in talaabada noocan oo kale ah ay noqoto mid argagixisadu ay ka dhigato xeelad dagaal oo soo laab laabta maadaama ay dowladu duulaan ku sii tahay kooxda oo wali ka talisa dhul balaaran oo u baahan in gacantooda laga bixiyo si dadka soomaaliyeed ooy isu raacraaceen abaaro is xigxiga oo jilciyay noloshooda ay u helaan gargaarka bani,aadantiniada
Afduuka dadka rayidka ah ee Alshabaab ayaa muujiaya liidaanta kooxda soo wajahday tan iyo markii Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh uu ku dhawaaqay dib u doorashadiisa ka dib dagaal dhinacyo badan leh oo lagu qaado argagixisada oo bulshadiisa u abaabulay in ay loo arko cadowga koowaad ee Diinta Islaamka, Nolosha iyo Dowladnimada dadka Soomaaliyeed