8- December-2023

Aaway Gooni Isutaagii khaatumo ay uga madaxbanaantay Putland Iyo Somaliland ?
Maamulka sida tooska ah u hoos taga dowlada dhexe ee Somalia ee SSC_Khaatumo, waxay muujiyeen todobaadkan deeqsinimo dheeraad ah markii xubno matalaad ay Loan hal sano ah ugu direen puntland, kuwaas 8_da January 2024_ta soo dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne ku,xigeen uu yeesho maamul_goboleedka puntland
Iyadoo gudoomiye baarlamaan oo reer Sool ah uu Somaliland fadhiyo, hadii Madaxweyne kuxigeenka butland uu ku soo baxo hogaamiye reer sool arintu miyaysan noqon doonin Jug-jug oo halkaaga joog .
Inkastoo Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo uusan wali ka hadlin hadana Aqoonyahanada deegaanada SSC-oo qaarkood taageeray qorshaha nabada garaadaada khaatumo ee putland waxay qaab matalaad ku sii yeelashadooda iyo ka qeybgalka doorashada January u arkaan inay tahay talaabo ka dhigan maamulka Qaatumo oo gacantiisa ku burburiyay aqoonsigii DFS uu dhawaan siiyay

Xaalka siyaasada Puntland oo weji cusub yeeshay
Baarlamaanka oo maanta fariistay ayaa ku raaacay ismida Khaatumo SSC go’aanadii ay soo saareen ee ku saabsanaa doorashada gaarahaan qodobka ah in baarlmaanka hadda jooga ay sii jogaan oo iyagu soo doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa marka la gaaro sideeed bisha jannaayo ee nagu soo aaddan halka madaxweynuhu uu xalay ku dhawaaqay in qaatay soo jeedinta iyo go’aannada ismida hase yeeshee waxaa uu kaga duwanaa in maadama doorashada lagu qabanayo waqtigeeda baarlamanaka qudhiisa la soo doorto oo aan waqti loogu darin
Baarlmaanka laftiisa arrintaa waa isku qilaafay.

Qaar kamid ah ayaa ka soo horjeestay halka qaar kalena ay taageereen.
Xildhibanada qaar ayaa qaba in inay sii joogaan marka uu dhamado xiligooda ayna shegeen inay socodsiiyeen go’aanka isimada.
Halka qaar kalena aya sheegeen in arrintas ay keeni karto isku dhac dheeri ah wax sal ahna ay ku haynin habka dimuqraadiyada.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhaaweeyay go’aanka “xalka nabadeed” ah oo ay Isimada dhaqan iyo guddiyadii weheliyey soo saareen isagoo sidoo kale Golaha Wakiilada ku bogaadiyey ansixintii xalkaas.
Madxaweyne ku xigeenka Puntland oo taageeray go’aankii Isimada SSC ku xalliyeen khilaafka doorashada Puntland
Sida lagu soo qoray barta Facebooga rasmiga ah ee xaafiska madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Madaxweyne ku xigeenka ayaa taageeray go’aankii Isimada SSC ku xalliyeen khilaafka doorashada Puntland.

“Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay”.
“Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Cumar Sharmarke oo ka hadlay xaalada siyaasadda Puntland
Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Sharmarke oo ka fal celiyay xaalada siyaasaa Puntlad ayaa sidatan bartisa X ee horay loo oran jiray Twitter ku yiri,In si habsami leh ay u dhacdo doorashada Baarlamaanka & Madaxtooyada Puntland oo aysan dhicin muddo kororsi noocoo doontaba ha ahatee si looga fogaado qalalaase dastuuri ah.Waa in fayoobidu ay hirgashaa si habka soo xulista baarlamaanka cusub & doorashada madaxweynaha ay uga soo baxdo natiijo ay raali ka yihiin dhammaan.”
Doorashada maamulka Puntland ayaa u muuqata in waji cusub yeelatay marka laga eego go’aannada kala dambeyay ee ka soo kala baxaya madaxtooyada iyo baaralaamnka oo isku si u dhigneyn
Qaar ka mid ah mucaaradka Puntland oo muujiyay mowqifkooda ku aaddan go’aannada is diidan ee doorashada
犀利士 – wp:paragraph –>Xilli baarlamaanka mamaulka Puntland ay soo saareen go’aan ka duwan kii xalay uu ku dhawaaqay madaxweyne Saciid Cabdullaaahi Deni, ayaa mucaaradka mamaulkaasi waxaa ay soo dhaweeyeen si guud in xal laga gaaro arrimihii salka u ahaa khilaafka muddaba ka taagnaa mamaulkaas.
Axmed Ciise Cawad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya kana mid ah mas’uuliyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan halka hadda la marayo isagoo kalsooni ka muujiyay in aragti kala duwanaashaha hadda muuqdana xal laga gaari doono.
Wuxuu sheegay in ka mucaarad ahaan ay rabaan in xal wada jir ah la gaaro lana aado doorasho la isku waafaqsanyahay xukuumad iyo baarlamaanba.
Laakin warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno kale oo mucaaradka ka mid ah ay taageersanyihiin in xildhibaannada hadda jooga ay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Go’aanka baarlamaanka saaka ka soo baxay ayaa raacsanaa go’aamadii shalay ay soo saareen isimda dhaqanka gaarahaan qodobkii ahaa in xildhibaannada hadda jooga ay doortaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa iyaguna ay sii joogaan muddo 12 bilood ah, halka madaxweyne Deni uu qaatay mid ka duwan kaa oo ah in xildhibaannadan meesha ay ka baxaan oo baarlamaankii badeli lahaa la soo doorto.