Abaaraha ku dhuftay soomaaliya oo ka sii daraya

犀利士 color has-custom-weight” style=”font-weight:900″>Sunday 14″ November “2021”

Soomaaliya ayaa waxay wajaheysaa abaaro ba’an oo soo noqnoqday gobollada koofurta waxaa sanadiihii ugu danbeyay saameeyay abaaro uu sababay roobka oo xilligiisa ku di’in

Haatan baartu waxay si gaar ah u saameysay reer miyiga xoolo-dhaqatada ah.

Gedo ilaa Jubbada Hoose, waxay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee abaaraha xoogan ay ka jiraan xiligaan oo la sugayo roobka Deyrta.

Roobka oo aan xilligiisa ku di’in, cimillada caalamka oo xumaatay iyo dhirta oo lajarayo ayaa loo aaneeyaa abaaraha soo noqnoqda ee ka jira Geeska Afrika

GAALKACYO oo lagu tukaday salaad roob doon ah abaaraha dartiis

Todobaadkii hhoreayay ahayd markii Maayar ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi oo ay Weheliyaan agaasimayaal iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Hoose ayaa ka qeyb galay isku soo bax roobdoon ah oo ay soo qaban qaabiyeen Culimada Gobalka Mudug oo Alle weyne looga baryayay in uu abaarta ka saaro dadkiisa.

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation Oo Gargaar Gaarsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen, Deeganada biyo dhaaminta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah Fuuma, Kooyama, Dalsan, Qarsa, Suubaan Salaan, Abdi biroole Iyo deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Maayar ku xigeenka ayaa sheegay in ay socon doonto roobdoontu, wuxuuna dadka Gobalka Mudug ugu baaqay in ay iscafiyaan oo ay ka heshiiyaan wax kasta oo ay isku hayaan Alle barigana badiyaan

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Isugu jira raashin & biyo Gaarsiisay dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation Oo Gargaar Gaarsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen, Deeganada biyo dhaaminta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah Fuuma, Kooyama, Dalsan, Qarsa, Suubaan Salaan, Abdi biroole Iyo deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Gargaarka Biyo dhaamin ah waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Jubaland, Maamulka Degmada Kismaayo iyo Madaxda shirkada Hormuud Telecom oo iyadu mashruucan fulineeysa islamarkaana maal-galisay.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Madaxa Xiriirka Arimaha Bulshada ee Hormuud, Axmed Maxamed xaashi, waxaa u sheekay in ay ka jawaabayaan qeyla dhaan uga timid dadka abaaruhu saameeyeen.Maamulaha Shirkadda Hormuud ee xarunta Kismaayo Xuseen Xasan Qorane ayaa ka warbixyey mashruuca gurmadka biyo dhaaminta, isagoo sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan culeys yada yimaada, ayna sii wedi doonaan gargaarka biyo dhaaminta ay ka wadaan goboolada Jubbooyinka, Gedo & Galgaduud

Leave a Reply