7″ November “2022
Abaar ayaa boqolaal xayawaan ah ku dishay kaymaha Kenya iyadoo keydka duurjoogta dalal badan oo African ah uu u muuqdo mid sii xaaqmaya
Boqolaal xayawaan ah, oo ay ku jiraan maroodi iyo zebras-ka halista ah ee Grevy, ayaa ku dhintay kaydadka duurjoogta Kenya intii lagu jiray abaartii ugu xumayd ee Bariga Afrika muddo 40 sano ah, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay .
Adeegga Duurjoogta Kenya iyo hay’adaha kale ayaa tiriyay dhimashada 512 duurjoogta ah, 381 zebra caadiga ah, 205 maroodi, 51 gisi, 49 seebras Grevy’s iyo 12 geri sagaalkii bilood 壯陽藥 ee la soo dhaafay, ayaa lagu sheegay warbixinta.
Qeybo ka mid ah Kenya ayaa afar xilli oo xiriir ah labadii sano ee la soo dhaafay uusan ka di,in roobab wnaagsan ama wax yar oo roob uu da,ay kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay dadka iyo duunyada, oo ay ku jiraan xooluhu.
Maroodiga, tusaale ahaan, waxa ay cabbaa 240 litir (63.40 gallon) oo biyo ah maalintii, sida uu sheegay Jim Justus Nyamu, oo ah agaasimaha fulinta ee Xarunta Deriska Maroodiga, iyadoo dadka biyo raadiska ah ay ka cabaayaan saameeynta deegaanka ee abaarta