Abiy Axmed iyo saddex sano: Nabaddoon lugaha la galay dagaal dunida cambaareysay

2″ April “2021

Dagaallo beeleedyada iyo dhiigga shacabka dalka Itoobiya ee daadanayey si loo joojiyo xal waarana loog helo ra’isal wasaarihii hore ee dalkaasi Hayle Maryam ayaa xilka ka dagay.

April 2, 2018-kii xilka ra’isal wasaaranimada waxaa loo magacaabay Dr Abiy Axmed. Isla maalinta xilka loo magacaabay khudabaddii ugu horreysay oo 35 daqiiqo socotay wuxuu ku ballaan qaaday inuu wax ka qabanayo arrima ay ka mid ahaayeen siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha dibadda oo ay ka mid ahayd soo celinta xiriirka dalka Eritrea ee 20-ka sano go’naa.

Khudbaddaasi waxaa kale uu ku sheegay “aragtida siyaasadeed in lagu kala duwanaado iney habaar ahayn”, wuxuuna cafis uu weydiistay siyaasiyiinta, dadka xuquuqda aadanaha u ololeeya iyo dhalinyarada naftooda qaaliga ah u hurtay inuu dalkan uu isbeddel uu ku yimaaddo.

Isaga oo ballan qaaday iney shacabka Itoobiya arrimihi dalka ka dhacay oo dhan ay xal u helayaan dowladdana ay dhibka shacabka gaaray magdhaw uga dhigeyso. Arrimahasi oo dhan Abiy Axmed wuxuu sheegay mar hadda laga joogo seddex sano, haddaba seddexda sana uu xilka hayey wixi u qabsoomay waxa aan u qabsoomin ayaan qormadeennan ku guud mareynaa.

Bilihi ugu horreeyey uu xilki qabtay Abiy Axmed wuxuu xabsiyada ka sii daayey maxabiisti xabsiyada ugu jirtay arrimo siyaasadeed. Jabhadihi dibadaha ku sugnaa iyo kuwi duurka ku jiray ee hubeysnaa oo dolwladda dagaalka kula jiray oo maamulladi ka horreeyey ‘ay argagixiso’ ugu yeeri jireen ayuu heshiisyo la galay una oggolaaday iney dalka soo galaan, arrimahaasi oo ah kuwo bogaadin mudan oo u qabsoomay Abiy inti uu xilka hayey.

Xagga xorriyadda saxaafaddana markaan eegno hay’adda difaacda wariyeyaasha ee CPJ oo 2019-kii warbixin ka soo saartay arrimaha xorriyadda saxaafadda ee Itoobiya isbeddelka ku yimid waxay ku tilmaantay mid mucjiso ah. Waxayna hay’addu 14 sana kaddib sheegtay inuusan jirin wariye xabsi ugu jira dowladda Itoobiya.

Waxayna CPJ sheegtay 260 shabakadaha wararka oo xayirnaa in la fasaxay wariyeyaal musaafuris dalka uga maqnaana loo ogoolaaday iney dalkooda dib ugu soo laabtaan tallaabbooyinkaasi oo ay hay’adda ku tilmaantay bogaadin mudan, kaalinti ilaalinta xorriyadda saxaafadda ee ay caalamka kaga jirtay oo ahaa 110-aad iney ka gashay kaalinta 40-aad.

Hase yeeshee, arrimuhu sida ay ku billawdeen kuma sii socn oo waxaa la xidhay xafiiska telefishiinka OMN, sida oo kalana waxaa marar badan xabsiga loo taxaabay wariyeyaal kala duwan.

Hay’adda u doodda xuquuqda wariyeyaasha ee aan xuduudda lahayn waxay sheegtay marar badan iney soo gaareen warbixinno ku saabsan xadgudubyada saxaafadda lagula kacay, waxayna hay’addu sheegtay warbixinnadu iney yihiin kuwa khatar gelinaya tallaabbooyinkii wanaagsanaa ee ay dowladda u qaadday horumarinta xorriyadda saxaafadda.

Dhinaca kale ra’isal wasaaraha marki uu xilka qabtay bilooyinki ugu horreeyey wuxuu xabsiga ka sii daayey maxabiis siyaasadeed oo aad u badan, balse waxaa Abiy bariyahan dambe lagu eedeeyaa inuu xabsiga u taxaabay siyaasiyiin.

Xisbiyada mucaaradka ee OLF, OFC, ONLF iyo Balders waxay marar badan ay cabasho ka muujiyeen ‘in xubna xisbiyadaasi ka tirsan laga xiro’, ‘Xafiisyadana laga xiro’, ‘Lana cabsi geliyo’ iwm.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanahana Human Rights Watch waxay sheegtay wixi ka dambeeyey dilkii loo geystay fannaanki weynaa ee Hachaaluu Hundeesa iney bateen maxabiista siyaasadeed ee dowladda u xiran oo qaarkood aan dacwad lagu soo oogin oo xabsiyada isaga jira.

Komishiinka xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu marar badan uu soo saaray bayaanno ku aaddan go’aannada ay maxkamadaha ka gaaraan ‘maxabiista siyaasadda doorka ku leh’ iney wax badan ka saxaan.

Raa'isal wasaare Abiy Axmed

Nabadda iyo Xasiloonida

Seddexdi sano uu talada dalka Itoobiya hayey Abiy Axmed waxaa qayba kala duwan ee dalka Itoobiya ka dhacay weerarro lala beegsaday dad shacab ah.

Ra’isal wasaaraha oo afar bilood ka hor baarlamaanka hortagay wuxuu sheegay dagaalka Tigraay ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo TPLF ka sokoow muddo laba sana ah iney gudaha dalka Itoobiya ay ka dhaceen 113 dagaal. Dagaalladaasi oo uu sheegay inay ka dhasheen qasaaro naf iyo maalba leh.

“Toddobaad kasta dagaal ayaa dhacayey, dowladdana shaqadeeda waxay ahayd iney meel walba ku ooyso, aas walbana ay ka qayb gasho” ayuu yiri.

Isaga oo dagaalladaasi oo dhan u saariyey TPLF iney ka dambeeyeen. Inkasta oo uu ra’isal wasaaraha sidaasi yiri haddana xilligan oo ay awoodda TPLF aad u wiiqantay weli waxaa dalka Itoobiya ka dhaca weerarro lagu bartilmaameedsanaya shacab aan waxba galabsan.

Deegaanka Benishaangul Gumuz degmada Metekel Dibaate laba bilood ka hor waxaa lagu dilay 82 qof oo rayad ah, sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

Bil ka hor weerarkasina Degmada Bulan ee deegaanka Benishaangul waxaa lagu dilay 207 oo rayad ah, ayuu yiri komishiinka xuquuqda aadanaha.

Tusaale ahaan seddexdi maalmood ee ka dambeysay dilkii loo geystay fannaankii weynaa Hachaaluu Hundheesaa 123 qof ayaa la dilay iyada oo dilka dadkaasi ay ka qayb qaateen laamaha ammaanka iyo dad rabshado sameynayey oo ka careysnaa dilka fannaanka loo geystay.

Deegaannada Amxaarada, Sidaama iyo Shucuubta Koonfureed waxaa ku dhintay dad aad u badan.

Intaa kaddibna muddadi uu Abiy xilka hayey waxaa dhacay dilalki loo geystay Saraakiisha ciidan iyo Madaxdi deegaanka Amxaarada.

Guud ahaanna dowladda Itoobiya seddexdi sano ee la soo dhaafay tallaabbada ay u qaadday nabadda iyo xasiloonida dhinacyo kala duwan waxaa uga imanaya cambaareyn xooggan.

Raa'isal wasaare Abiy Axmed

Aasaaski xisbiga Barwaaqo ila iyo dagaalki Tigraay

Ku dhawaad 30 sano xisbigi talada dalka Itoobiya hayey ee EPRDF Abiy Axmed marka uu xilka qabtay 9 bilood kaddib waxaa uu ku beddelay xisbiga qaran ee Barwaaqo.

Marka laga reebo xisbiga TPLF ee deegaanka Tigraay maamulayey xisbiyada kale ee hogagamiya deegannada dalka Itoobiya uu ka kooban yahay waxay ku biireen xisbiga cusub ee Barwaaqo. Waxaana soo baxaya warar sheegaya in xisbigan Barwaaqo oo dalka oo dhan hoggaamiyo uu waxbadan uu kaga duwaneen xisbigi hore marka laga reebo EPRDF waxaa xubin ka ahaa 4 deegaan oo keli ah halka PP (Barwaaqo) ay ka tirsan yihiin deegaannada oo dhan.

Xisbiga PP marka lagu dhawaaqay waxaa ka biya diiday Guddoomiyaha TPLF Dr Debresion G/Mikael oo sheegay xisbigan midnimada ku saleysan inta aan la meel marin in loo baahan yahay arrima badan in la isla meel dhigo.

Ugu dambeyntina, khilaafki TPF iyo PP (Barwaaqo) ka dhaxeeyey wuxuu sababay iney deegaanka Tigraay ay doorasha u gaar ah qabsadaan, doorashdaasi oo uu Abiy Axmed uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn ugu dambeyntina iisu beddelay dagaal labada dhinac dhex mara.

Maamulkii deegaanka Tigraay ka jiray waxay aqoonsigi kala noqdeen xukumadda Abiy halka, dowladda dhexena ay aqoonsigi kala noqotay hoggaankii deegaanka Tigraay ee xisbigi TPLF.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegeen dagaallada labada dhinac dhex marayna waxaa ku naf waayey dad badan oo ay ka mid ahaayeen 600 oo qof oo billowgi dagaalkaba lagu dilay magaalada Maykadra, iyo 100 qof oo lagu dilay magaalada Axum.

Intii uu dagaalka Tigraay socdayna waxaa marar badan la soo hadal qaadayey dowladda Eritrea iney dagaalka qayb ka yihiin dad shacab ahna ay ku laayeen magaalada Axum iyada oo tirada dadka halkaasi lagu dilay ay hay’aduhu ku kala duwan yihiin.

Ugu dambeyntina, Ra’isal wasaare Abiy Axmed oo marar badan diiddanaa iney ciidamada Eritrea dagaalka qayb ka yihiin ayaa ugu dambeynti qirtay iney gudaha Tigraay ay ku jiraan ayna oggolaadeen iney ciidamadooda kala baxaan.

Dhaqaalaha iyo sicir bararka

Abiy Axmed marka uu xilka qabanayey xaruunta dhexe ee tirakoobka qaranka waxay sheegtay sicir bararka dalka inuu ahaa 13.7%. Seddex sana kaddibna waxay xaruuntu soo saartay sicir bararka inuu gaaray 20.6%.

Dhinaca kalana ra’isal wasaaruhu bilihi ugu horreeyey uu xilka qabtay wuxuu ka dhawaajiyey shirkadaha waaweyn ee dowladda sida shirkadda isgaarsiinta ee Ethio-telecom, shirkadda diyaaradaha Ethiopia Air Lines iyo 13 warshadood oo sokorta soo saara iney qayb ka mid ah saamiyadooda ganacsiatada loo furayo.

Arrintaasina waxaa si weyn uga horyimid khubarada dhaqaalaha iyaga oo sheegay iney arrintan daraasad iyo ka fiirsasho u baahan tahay.

Mahadnaqa iyo Eedda ay Eritrea u soo jeedisay Dr Abiy Axmed

Ra’isal wasaare Abiy Axmed maalinti ugu horreysay oo xilka loo dhariyey baaqa nabadeed uu u diray Eritrea dad badan meysan filaneyn.

“Labada shacab danaha oo keli ah isagama xirno oo dhiiggooda ayaa isku mid ah wax kasta oo khilaaf ah noo dhaxeeya waxaan diyaar u ahay inaan wadahadal ku dhammeyno. Dowladda Eritrea-na iney go’aan kaa la mid ah qaadato ayaan ugu baqayaa” ayuu yiri xilliga uu sidaa lahaana baarlamaanka oo dhan sacab iyo mashxarad uu isqabsaday.

Hadalkaasi marka uu ku dhawaaqay 4 bilood kaddibna wuxuu aaday magaalada Asmara. Wuxuuna noqday hoggaamiye Itoobiya ka socda oo 20 sano kaddib Eritrea booqdo.

Dad aad u badan ayaa waddooyinka Asmara isugu soo baxay oo Abiy Axmed soo dhaweeyey. Waxaana dib u billaawday xiriirka isgaarsiinta iyo hawada ee jarnaa. Toddobaad kaddibna waxaa Addis Ababa yimid madaxweynaha Eritrea Esayas Afawarqi.

Qoysas badan oo ay dagaallada kala geeyeen ayaa dib u midoobay. Xadka labada dal ayaa la furay. Tallaabaddaasi uu Abiy Axmed ku soo celiyey xiriirka labada dal ee deriska ah caalamka waxaa looga soo jeediyey bogaadin aad u weyn.

Ugu dambeyntina 2019-kii wuxuu ku muteystay abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah ee ‘Noble’. Waxyar kaddibna xadka labada dal ayaa dib u xirmay iyada oo waxa sababay aan la garan.

Abiy Axmed iyo Abaalmarinta la guddonsiiyey

Xiriirka labada dal sida lama filaanka ah uga dhex billawday waxaa loo soo jeediyey inuu yahay mid aan ‘mabaadii ku saleysneyn’.

Siyum Masfin oo hadda ka hor telefishiinka Tigray wareysi siiyey wuxuu sheegay xiriirka labada dal inuu yahay mid macna ku fadhinin balse lagu macneyn karo ‘cadwageyga cadwagii waa saaxibkeey’.

Sanadki tagay waxaa xumaaday xiriirka u dhaxeeyey Itoobiya iyo Suudaan iyada oo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu maraya abid halki ugu xumaa.

Dalka Suudaan ayaa looga arkayey inuu Abiy Axmed abaal badan uu u galay si ay u dhisanto dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan, hase yeeshee xiisadda ka soo korodhay xadka labada dal ay aragtidi waji kale u yeeshay.

Ra'isal wasaare Abiy Axmed iyo Abaalmarinti Noble ee la guddoonsiiyey

Masar, Sudaan iyo biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso

Marka la soo hadal qaado biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso siyaabo kala duwan ayaa looga hadlaa.

Xagga dhismaha biyo xireenka waa lagu ammaanaa halka wadaxaajoodka uu khaladaad sameeyey.

“Mashruuca biyo xireenka heerka uu marayo marka la fiiriya ha rajeynina in laba sano ama seddex sano gudahood uu biyaha uu u baahnaa uu qabto, ayuu yiri balse wax badan oo dhismaha biya xireenka lagu sameeyey waxay suuragelisay inuu sanadki hore oo keli ah uu keydiyo 4.9 balyan oo kiyuub oo biya ah, taasoo Abiy aad looga mahadceliyey.

Balse waxaa lagu dhaleeceeyaa wadaxaajoodki seddex geesoosdka ee u dhaxeeyey Itoobiya, Masar iyo Suudaan inuu u oggolaaday iney ka qayb galaan wasiirka maaliyadda Mareykanka iyo Bangiga adduunka, taasoo albaab cusub u furtay inuu sii xoogeysto khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee ku gadaaman biyo xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Leave a Reply