9″ June “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ahaa madaxda lagu casuumay kasoo qeyb galka munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda taas oo xiiso gaar ah xambaarsaneyd, isagoo isticmaalayay Erayo ku jira Af-ka Soomaaliga iyo English-ka.
Intii uu ku guuda jiray jeedinta khudbadiisa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si weyn ayaa loogu sacbiyay, waxaana uu soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya.
Waxaana uu yiri “Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labad dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu yiri khudbaddiisa Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaal犀利士 iga.
Ugu dambeyn RW Abiy ayaa Dadka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo isticmaalayay markaa afka Soomaaliga, wuxuuna yiri “ “Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,”.
Mudadii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxaa dowladda Itoobiya kala dhaxeeyay xiriir ku saleysan iskaashi iyo mid saaxiibtinimo, waxaase ay xiriirka u jartay dowladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta.