24- August-2023- Muqdisho
Daawo: Abuukaate Baaanka Looga Saaray Dhageeysiga Dacwada Musuqmaasuq oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay maanta u fariisatay
Maxkamadda gobolka Banaadira ayaa weli sii wadda dhageysiga dacwadda ka dhanka ah mas’uuliyiin dowladeed oo ku eedeysan falal la xiriira musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo horay loo soo xiray.
Kiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa keenay doodo x壯陽藥 oogan oo hareeyay maxkamadda, kuwaas oo u dhexeeya xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanayaasha.
Doodda iyo dhageysiga dacwaddan ayaa sidoo kale si toos ah loogala socdaa shaashadaha warbaahinta, maadaama la tabinayo habka ay u socoto maxkamadeynta raggan.
Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabbaan) oo g’aan culus qaatay ayaa hoolka maxkamadda ka saaray mid kamid ah qareenada u doodayay ragga u xiran masuq-maasuqa, kadib markii uu la dooday guddoonka sare ee maxkamada.
Abuukaataha bannaanka loo saaray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jibriil, waxayna is qabteen guddoomiye Dabbaan oo markii dambe ku amray inuu ka baxo hoolka.
“Amar maxkamadeed waayay abuukaate Jibriil buugaagta qaado ee bannaanka ka tag maxkamadda hoolkeeda,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.
Sababta keentay in Abuukaataha laga saaro hoolka ayaa ah inuu hadalka qaatay, isaga oo aan amar ka heysan maxkamadda, waxaana taas ka carooday guddoomiyaha oo go’aankan qaatay waxaana isku day sameeyay qareenada kale, balse waxaa ka hortimid maxkamadda
Abuukaatuhu in maxkamaddu hadal ay ka joojiso uu sii wato markii ugu horreysayne ma’aha horay ayuu u sameeyay” ayuu mar kale yiri guddoomiye Saalax Dabbaan.
Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa si dardar leh magaalada Muqdisho uga socotay dhageysiga dacwad musuq oo loo haysto agaasimeyaal ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay dhowaan laamaha ammaanka usoo xireen falal la xiriira xatooyo xoolo dadweyne ah.