10″ May,” 2023
Kooxaha isku magaalada ka dhisan ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa isaga hor imaan doona lugta hore ee semi-finalka tartanka kooxaha ugu sarreeya Yurub.
AC Milan ayaa afar dhammaadka ku reebtay Napoli, halka Inter ay garaacday Benfica. Inter Milan ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Talyaaniga, iyadoo leh 63 dhibcood, iyadoo labo dhibcood ka sareysa AC Milan oo ku jirta kaalinta shanaad.
Kooxaha xifaaltanka ahi waxa ay kulmeen 235 jeer oo hore, Inter Milan ayaa badisay 87 kulan halka AC Milan ay badisay 79 kulan.
Kulanka Inter iyo AC Milan ayaa dib uga soo cusboonaysiiyay Yurub
Heerka kooxaha Talyaaniga oo Mar lagu doodi jiray inuu yahay Serie A-da Talyaaniga horyaalka ugu sareeya adduunka, kaas oo dib u dhac ku yimid iyadoo horyaalka Ingiriiska ee Premier League iyo Spain ee La Liga sannadihii u dambeeyay noqdeen kuwo aad loo xiiseeyo
Inter Milan ayaa ahayd kooxdii ugu dambaysay ee Talyaani ah ee ku guulaysata Champions League, sanadii 2010kii.
Si kastaba ha ahaatee, sanadkan, kooxaha Talyaaniga ayaa ka sarreeya tartamayaasha tartamada Yurub. Semi-finalka oo ay wada ciyaareen Milan, Serie A ayaa xaqiijisatay booskeeda finalka Champions League.
Europa League, AS Roma iyo Juventus ayaa labaduba ku jira semi-finalka, waxaana laga yaabaa inay isku dhacaan koobka haddii ay ka badiyaan Leverkusen iyo Sevilla siday u kala horreeyaan.