Adeegga Wehel: Dareenka aabbaha xaaskiisa ku wehliyay qolka dhalmada Isbitaalka Banaadir!!

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa soo kordhiyay qayb cusub oo loogu magac daray ‘Wehel’ taas oo loogu talagalay in hooyooyinka xilliga foosha ay garab joogaan raggooda.

Adeegga cusub ee lagu soo kordhiyay isbitaalka ayaa fursad u siinaya aabbeyaasha in ay goobjoog ka ahaadaan xilliga ay u dhalanayaan carruurta.

Fartuun Shariif Maxamed oo ah agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa BBC-da uga warbixisay adeegga cusub oo ay soo kordhiyeen iyo sababta ku dhalisay, ‘’Barnaamijka Wehel waxaa nagu dhaliyay kadib markii aan aragnay caqabado badan oo ay kamid yihiin xilliyada hooyada isbitaalka ay imaaneyso in aysan la socon qof wehel ah ama ay la socdaan dad aan ehel u ahayn oo laga yaabo in ay daris yihiin,’’ ayay tiri agaasime Fartuun.

Dhanka kale waxa ay intaa hadalka ku dartay in hooyooyinka gaara xilliga ay bilo dhameystaan oo ay diyaar u yihiin dhalmada ay la kulmaan caqabadao badan oo ay kamid yihiin in aysan la socon qof qaadi kara mas’uuliyadda go’aanka ilmaha ay uurka ku siddo iyo in ay wajihi karto xaalado caafimaad darro oo dagdag ah, loona baahanyahay in aabbaha uu markasta garab taagnaado xilliyada ay xaaskiisa uur leedahay gaar ahaan marka ay soo dhawdahay xilliga dhalmada.

Agaasime Fartuun ayaa sidoo kale sheegtay in ay horay ula kulmeen caqabado badan oo la xiriira hooyooyinka uurka leh kuwaas oo si dagdag ah ugu baahday in lagu fuliyo qalliin, balse ay waayeen qofkii mas’uulka ka ahaa si uu u saxiixo in howsha loo fuliyo.

Waxa aan wax ka weydiinnay in ay jiri karaan in dumarka qaar kuwaas oo aan oggoleyn in lala galo qolka xilliga ay dhalayaan, waxa ayna ku jawaabtay ‘’Ma jirto sabab keeni karta oo ay iskaga fogeynayaan raggooda xilliga ay dhalayaan, gabdhaha Soomaaliyeedna waa ay jecel yihiin in raggooda ay garab joogaan xaalad kasta,’’ ayay tiri Fartuun Shariif.

Dhanka kale waxa ay soo hadal qaadday in ragga looga baahan yahay in ay garab joogaan xaasaskooda xilliga ay foolanayaan si ay u dareemaan xaaladda dhabta ah ee ay ku jirto xaaskooda iyo in aysan sahlaneyn dhalmada.

Fartuun Shariif
Qoraalka sawirka,Fartuun Shariif Maxamed, agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir

Fartuun ayaan sidoo kale weydiinnay in ragga qaar aysan xamili karin in ay joogaan goobta xaaskooda ay ku foolaneyso suurtagalna ay tahay in aysan u dulqaadankarin dhiigga iyo xaaladda guud ee qolka dhalmada, waxa ayna ku jawaabtay in ay jiri karto dad xanuunsan ama dad aan arki Karin dhiig kuwaasna laga qarinayo inta ay xaaladda socoto iyaga oo qolka dhalmada kula sugan xaasaskooda.

‘’Gabadha marka ay foolaneyso waxaa jirta daah ku gadaaman qeybta hoosha qaliinka ama dhalmada ay ka socoto, ninkana waxa uu fariisanayaa dhanka madaxa waxaana looga gol leeyahay in uu la socdo xaaladda xaaskiisa iyo in uu noqdo qofka ugu horeeya ee canuga dhalanaya arka.’’ Ayay tiri.

aabe Cabdirisaaq
Qoraalka sawirka,Cabdirisaaq ayaa noqday aabihii ugu horreeyay ee adeegga wehel, waxa uuna nasiib u yeeshay in xaaskiisa uu la joogay intii ay ka dhaleysay

Lammaanihii ugu horreeyay ayaa shalay tagay isbitaalka gaar ahaan qeybta cusub ee Wehel. Cabdirisaaq oo noqday qofkii koowaad ee qeybtaan cusub taga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay garab istaagga xaaskiisa xilligii ay foolaneysay.

Dhanka kale Cabdirisaaq ayaa hadalka ku daray in wiilka hadda u dhashay uusan ahayn kii ugu horreeyay ee u dhasha balse uu uga duwan yahay in uu garab taagnaa sidoo kalena uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee arka.

‘’Cunuggii hore ee ii dhashay la iima oggoleyn in qolka ugu galo, balse kan waan taagnaa, waxaana xaqiiqsaday in hooyadu ay dhib badan marto,’’ ayuu yiri aabe Cabdirisaaq.

Banaadir
Qoraalka sawirka,Adeegga cusub ee lagu soo kordhiyay isbitaalka ayaa fursad u siinaya aabayaasha in ay goobjoog ka ahaadaan xilliga ay u dhalanayaan caruurta

Waxa uu intaa ku daray in xaaladda iyo xanuunka uu ku arkay qolka dhalmada uusan ahayn wax uu u adkeysan karo, sidoo kalena uu galay xaalad murugo leh indhihiisana ay ilmo buuxiyeen.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay maaddaama uu canugiisa marka uu dhashay isaga uu xudunta ka jaray. Ragga ayuuna ugu baaqay in ay isbitaalada gaar ahaan qolka dhalmada la galaan xaasaskooda si ay u arkaan xaaladda ay ku jiraan hooyooyinka xilliga foosha.

Soomaaliya horay ugama aysan jirin adeeg shaacsan oo lamid ah midka isbitaalkaan kaas oo lammaanayaasha u suurtagalinaya in ay qolka umusha ku wadajiraan, sidoo kale aabayaasha fursad u siinaya in ay la joogaan xilliga xaaskooda ay dhaleyso ayna noqdaan qofka ugu horreeya ee qabta canuga u dhashay.