AFCON 2027: Kenya, Tanzania iyo Uganda ayaa si wadajir ah ugu tartamaya martigalinta tartanka dhacdada Sport’s ee weyn qaarada Africa

27″ April “2023”

Kenya, Tanzania iyo Uganda ayaa lagu wadaa in ay u tartamaan martigelinta Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2027-ka.

Saddexda dal ee dariska ah ee Bariga Afrika ayaa soo gudbiyay qoraal ay ku muujinayaan xiisaha ay u qabaan xiriirka kubbadda cagta Afrika ee Caf oo ah hay’adda maamulaysa tartankan labadii sanaba mar la qabto.

Saddex waddan oo kale ayaa sidoo kale diiwaangeliyay rabitaanka -martigalinta ayaa ah Algeria, Botswana iyo Masar.

Masar waxa ay martigelisay Afcon dhawaan 2019, halka horaantii sanadkan Algeria ay martigelisay tartanka qaramada Afrika (Chan) – tartanka guud ee qaaradaha 犀利士 ee ciyaartoyda maxaliga ah – taasoo la micno ah in labadaas dal aysan u badnayn inay halgan u galaan marka ay timaado shuruudaha kaabayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda inta maalgalin ee loo baahan yahay si loogu ogolaado Botswana ama mid ka mid ah tartanka Bariga Afrika inuu guulaysto.

Ilaa usbuucii hore, dalabka Botswana ayaa sidoo kale lagu waday inuu ahaado mid wadajir ah, laakiin Namibia ayaa meesha ka baxday daqiiqadii ugu dambeysay, sababo la xiriira walaac dhaqaale.

Kenya waxa ay leedahay hal garoon oo ay u ogolaatay Caf, garoonka Nyayo National Stadium ee ku yaala caasimaddiisa Nairobi.

Dalka ayaa laga xayuubiyay xaqii uu ku martigelin lahaa Chan 2018 afar bilood ka hor finalka, sababtoo ah dhowr garoon ayaan diyaar u ahayn.