Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa soo wajahday fatahaadihii ugu darnaa abid, sida uu sheegay maamulka degmada, oo la hadlay Radio kulmiye
Inta badan dhaq-dhaqaaqii magaalada waxaa ha-kiyey biyaha wabiga Shabeelle oo saacadihii ugu dambeeyey aad ugu fatahay magaalada Afgooye ayuu yiri.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdullahi Xasan Cabdi ayaa isna intaas ku daray in magaaladu ay haatan wajaheyso fatahaado culus, isla markaana uu joogsaday dhamaan isu socodkii bulshada.
Sidoo kale guddoomiye Cabdullahi Xasan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyey inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda culus ee ka dhalatay fatahaada wabiga oo saameeyn ba,an ku yeelatay adeegyadii bulshada .