27-Oct-2023

Tulia Ackson oo u dhalatay Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya ayaa waxaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha 31-aad ee IPU Golaha maamulka ee IPU, oo ah hay’addeeda ugu weyn ee go’aan ka gaarista oo ka kooban baarlamaannada adduunka oo dhan.
Afhayeenka baarlamaanka Tanzania “Tulia Ackson ayaa lagu dhawaaqay goordhoweyd Inay ku guuleeysatay doorashada Guddoomiyaha Midowga Baarlamaannada Adduunka .
1_Tulia Ackson ayaa heshay 172 cod tartan ka dhacay magaalada Luanda ee dalka Angola
2_Catherine Gotani Hara, oo ka socota oo reer Malawi, ayaa kaalinta 2aad gashay iyada oo heshay 61 cod
3_Adji Diarra Mergane Kanouté, oo ka socota Senegal, ayaa heshay 52 cod iyadoo gashay
4_Marwa Abdibashir Hagi, oo ka tirsan baarlamaanka 11 aad ee Somalia ayaa aheyd qofka ugu hooseeya waxayna heshay 11 cod
Waxa ay xilka kala wareegtay Mr. Duarte Pacheco, oo ah xildhibaan ka soo jeeda Portugal, kaas oo soo gebagebeeyey hawshiisa saddexda sano ah dhammaadka kalfadhiga 147aad ee IPU ee Luanda, Angola.
Ms. Ackson waxa ay noqotay xildhibaan 2015. Hadda waa afhayeenka Bunge, baarlamaanka qaranka Tanzania, xilkaas oo loo magacaabay 2022 ka dib muddo ah guddoomiye ku xigeenka.
Ms. Ackson waxa ay sidoo kale soo noqotay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud 2015kii
Xayeeysiis

Muxuu yahay booskaan?
Baarlamaanka Adduunka ayaa la aasaasay sanadkii 1889 kii, iyada oo ay xubno ka yihiin baarlamanada 179 dawladood oo dunida oo dhan ah.
“Waa boos sare oo ay Soomaali [gaareyso] ma ahan inay Marwo oo kali ah gaareyso”.
Baarlamaanka adduunka ayaa saameyn ku leh baarlamaanada kale ee dunida ee qaybta ka ah. Inta badan arrimo la xariira shuruucda ayuu kala shaqeeya baralamanada kale, iyada oo qofka madaxweynaha ka ah uu leeyahay go’aamo sare.
Soomaaliya oo muddo ku jirtay burbur iyo colaado ayaa ka maqneyd saaxadda ururo badan oo caalami ah, tartanka Marwo ee booskaan ayaa laga yaabaa inuu faa’iido u yahay Soomaaliya oo dib uga soo hor muuqaneysa madalo caalami ah.
