Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo faah-faahin ka bixiyay dagaalkii lagula wareegay Wabxo

9″ November “2022” Muqdisho

Ciidamada dowlada iyo xoogaga difaaca dadweynaha ayaa la wareegay deegaanada wabxo iyo warxoolo oo hoosyimaada degmada Ceelbuur oo fariisin u ah mudo tobonaan sano ah kooxda Al-shabaab. Dheeho.com

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General C/llaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal ciidamada dowladda ay Al-Shabaab kaga saareen deegaanka Wabxo iyo tuulooyin hoostaga gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga ay la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof oo dhammaantood katirsan Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka oo saacado badan socday, isla markaasna ay dhawaan soo gudbin doonaan tirada rasmiga ee dhimashada iyo dhaawaca.

Deegaanka Wabxo iyo Tuulooyin kale ee Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ay la wareegeen ayaa hoos yimaada degmada Ceelbuur oo fariisin muhiim ah u ahaa tobonaan sano Al-shabaab.

Leave a Reply