13- August-2023-
Africa Dhaxalka Gumaystayaasha, Waxa uu Dhiirigalin Siiyaa kuwa Inqilaabyada Dhiga
Sheekooyinka la xiriira cadaadiska gumaystashii Africa-ayaa noqday wax ugu horeeya ee shidaal ku shuba Inqilaabyada Military ee khaarada, filimaan Documentary ah iyo buugaag-lagu ururiyay raadad xun-xun uu dalka Niger kaga tagay gumeysigii faransiiska ayaa bilowday in boorka laga jafo
Hogaamiyayaasha millatariga Niger hada waxay ku xisaabtami karaan taageerada dadka reer Niger iyagoo uga mahadcelinaya shucuurta gumaysi-diidka – oo noqday falcelinta Inqilaanka laakiin ilaa iyo intee ayay socon doontaa.?
Xiligan baraha bulshada ay dadku ku baraarugsan yihiin awooda iyo hantida ka jirta dalalkooda iyo caalamka intiisa kale
History Illustrated waa taxane todobaadle ah oo aragtiyo xeel dheer oo dhacdooyinka wararka iyo arrimaha hadda jira gelinaya xaalad taariikhi ah iyadoo la isticmaalayo garaafyo laga soo saaray sirdoon macmal ah.
Laga soo bilaabo 1960kii, saboolnimada sii xumaanaysa iyo xasillooni darrada siyaasadeed ayaa galiyay Niger shan afgambi, oo uu ku jiro kii u dambeeyay ee General Abdourahamane Tchiani.
Hogaamiyeyaasha afgambiga ee Niger waxay ciyaareen shucuur gumaysi ka soo horjeeda, laakiin cunaqabatayntu hadda waxay halis ku tahay inay nolosha dadka ka dhigaan mid ka sii adag sidii ay horeba u ahaan jireen – wax madaxda milatarigu ay ku adkaan doonaan inay ka gudbaan tiiyoo ay weheliso isbeddelka dheelitirka caalamiga ah,
Maanta, haddii aan tixgalino wadamada Afrika oo aan ka baaraandegno aragtida kheyraadka dhulka hoostiisa, cimilada iyo dadka tamarta leh, waxaan ogaanay in badankoodu ay yihiin kuwo isku filan.
Jirka bini’aadmigu wuxuu u baahan yahay dhiig ku wareegaya xididada dhexdooda-Dawlad kasta oo reer galbeed ah oo gumaysato waxay si joogto ah u nuugtaa dhiigga wadamada Afrika sida vampire-ka iyagoo ilkahooda u soo galay halbawlayaasha dalalkan