Africa maxay uga dhigan tahay Booqashada ku dhawaad ​​isku marka ah ee Maraykanka iyo Ruushka ?

23″ January “2023” AFP

Toddobaadkan laba sarkaal oo sare oo ka socda Ruushka iyo Maraykanka ayaa ku sugan Afrika ku dhawaad ​​isku mar. Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen ayaa booqasho ku tagtay Senegal Sabtidii, halka Ruushka Lavrov uu isna gaaray Koonfur Afrika.

Toddobaadkan laba sarkaal oo sare oo ka socda Ruushka iyo Maraykanka ayaa ku sugan Afrika ku dhawaad ​​isku mar, Sergei Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Isniintii gaaray South Africa, Iydoo Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen ay booqasjadeeda Africa ka dhul biloowday Senegal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov waxa uu difaacay dhoolatuska Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika oo la qorsheeyay bisha soo socota, Isaga oo shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii intii lagu jiray booqasho uu ku tagay Koonfur Afrika kaga hadlay ujeedada laga leeyahay dhoolatuska Military

South Africa ayaa ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee dalkiisa uu ku leeyahay qaarada ku kala qaybsan duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo isku dayga reer galbeedka ee go’doominta Moscow.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1617629299514945536?t=QGqiU6gbZ壯陽藥 R6Dd1egy1CS1A&s=19

Dhoola,tuska waxaa ku hoos lamaansan isku day uu ku doonayo inuu uga dhaadhiciyo madaxda qaarada sababta Ruushku u galay dagaalka burburka ah ee uu ka wado Ukraine, iyadoo ay jirto In qalalaasaha dhibaatada bini’aadamka ay si xun u saameynayso aragtida Afrika ee ku lug lahaanshaha Ruushka dagaalka.

Lavrov sidoo kale waxay u badan tahay inuu siiyo dammaanad gaar ah Afrika oo ay ku jiraan sahayda cuntada aan kala go’ lahayn gaar ahaan sahayda haeruurka iyo tamarta.

Lavrov ayaa sheegay in Ruushku uu bixiyay dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka u ah qorshayaasha dhoolatuska milatari.

Waxa uu Isniintii kula kulmay caasimadda Pretoria dhiggiisa Koonfur Afrika Naledi Pandor, iyadoo saraakiisha dawladda Koonfur Afrika ay ku sheegeen booqasho caadi ah, balse ay u arkeen mid aanay dareensanayn qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka iyo bulshada yar ee Ukraine.

Xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa u aragta Koonfur Afrika inay dhexdhexaad ka tahay dagaalka Ukraine, waxayna muujisay rabitaan ah inay dhexdhexaadiso.

Milatariga Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in 17-ka illaa 27-ka bishan Febraayo ay ku qabtaan dhoolatus milateri oo ay iska kaashanayaan Ruushka iyo Shiinaha, waxaana tallaabadan ay u badan tahay inay sii xumeyneyso xiriirka kala dhaxeeya Washington iyo dalalka Yurub. Waxay ku beegan tahay sannad-guuradii koowaad ee duullaankii Ruushka ee Ukraine 24-kii February ee sannadkii hore.

Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka Yellen oo safarkeeda Afrika ka dhul biloowday Senegal

Halka Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen oo safarkeeda seddexda wadan ee Afrika ku bilaabatay booqasho ay ku tagtay Senegal, ay kula kulantay Madaxweynaha Senegal ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall, iyo sidoo kale wasiirrada maaliyadda iyo dhaqaalaha. Waxay booqatay Jasiiradda Goree waxayna ka hadashay “arxandarrada aan la sheegi karin” ee ganacsiga addoonta ee ka gudubta Atlantic, waxayna soo booqatay goob ganacsi oo uu Maraykanku ku maalgeliyo dhalinyarada iyo haweenka ee Dakar, Senegal.

Africa:  U.S. Treasury Secretary Yellen Kicks Off Africa Tour in Senegal

Maxay yihiin sababaha ka dambeeya booqashooyinkan ?

Shiinaha oo Ruushka, uga soo horeeyay socdaalkan ayaa labaduba waxay daneeynayaan in taageero africanimo loo helo ku biiritaanka Isbaheeysiga Brazil, Russia, India, China, iyo South Afric ee BRICS-Group ka hor shirwaynaha kooxdan oo Koonfur Afrika ay martigalin doonto dabayaaqada sanadkan.

Halka Mareykanku uu horay u sii riixayo siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee Afrika iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu horey u soo jeediyay in Midowga Afrika uu noqdo xubin joogto ah oo ka tirsan G20.

Falanqeeyaasha qaarada ayaa qaarkood waxay rumeeysan yihiin in Booqashadu ay calaamad u tahay qalalaasaha cusub ee Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku iyadoo tartanka horumarinta kaabayaasha tamarta beddelka ah ee Afrika uu bilaabmayo,,

Leave a Reply