5″ November “2022
Taliska AFRICOM oo war ka soo saaray duqeymo ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Dhexe
Iyadoo lagu taageerayo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa weeraray rag ka tirsan l-Shabaab meel u dhow Cadale, Soomaaliya, November 3, 2022.
“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in weerarka ay dalbadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku dileen 15 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Howlgalka AFRICOM.
“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.” ayaa sidoo kale lagu yiri Bayaanka