,9- February-2023″
Isaias Afwerki ayaa diiday inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira goorta ay ciidamada Eritrea si buuxda uga bixi doonaan gobolka Tigray Dheeho.com
Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku gacan seyray wararka sheegaya dambiyo dagaal oo la sheegay in ay geysteen ciidamadiisa intii ay socdeen colaaddii ka aloosaneyd waqooyiga dalka Itoobiya.
Faallooyin naadir ah oo ku saabsan dagaalka, oo billowday Noofambar 2020, Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in sheegashadaas ay qayb ka tahay olole war-wareeg ah oo ay wadaan kuwa wax u dhimaya heshiiskii nabadeed ee ay dawladda Itoobiya iyo ciidammada Tigreegu ku gaareen xabbad-joojin joogto ah oo laga sameeyo dagaalladii sokeeye ee dalka.
Ururada u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya askarta Eritrea inay gabood fallo ka geysteen waqooyiga Itoobiya kuwaas oo ay ka mid yihiin dilka dad rayid ah oo aan hubaysnayn, kufsi dumar iyo dhac baahsan oo loo gaystay hanti dadweyne iyo mid gaar loo leeyahay.
Isaias ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya kadib k犀利士 ulan laba geesood ah oo uu la qaatay dhiggiisa William Ruto.
Mr Isaias ayaa xukunka la wareegay ka dib markii uu xornimada qaatay 1993-kii, balse dalkaasi waligiis kama dhicin doorasho qaran iyadoo dadka dhaliila ay ku eedeeyeen inuu xabsiga dhigay dad badan oo ka soo horjeestay xukunkiisa.