Waxaa soo xoogeeysanaya walwal laga qabo In uu Gacan ka hadal Isu badalo khilaafka Farmaajo Iyo Rooble ee ka dhashay kiiska ikraan “

Wednesday “8 ” September ” 2021 “ BBC somali

Afyare Cilmi: “oo la hadlayay BBC laanteeda af somaliaga ayaa yiri” Walwalka ii muuqdo waa in khilaafka siyaasiga ah uu gacan ka hadal isu bedelo”

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in agaasimihii cusbaa ee uu sida ku meelgaarka ah uu madaxweyne Farmaajo ugu magacaabay inuu hogaamiyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya uu la wareegay xilka xafiiska xarunta dhexe ee hay’adda, sida lagu baahiyay barta rasmiga ah ee twitter ka hay’adda.

Isla dhisamaha xarunta dhexe ee sirdoonka iyo wadooyinka soo gala ayaa lagu arkayaa ciidamo farabadan iyo gawaarida gaashaaman.

Galinka dambena waxa la filayaa sida qorshuhu yahay inuu xaruntaas tago agaasimaha uu sida ku meelgaarka ah hay’addaasi ugu soo magacaabay ra’isul wasaare Rooble, waxayna taas dhalisay in ay soo baxdo cabsi ah in uu gacan ka hadal ka dhaco goobtaas.

Haddaba Xaaladda hadda taagan maxaa lagu qiimeyn karaaa? Yaysa tahay markaan oo kale oo madaxda ugu saraysay dalka ay is qabtaan in doorkeeda ay qaadato.

Sualaahaas iyo kuwa kale ayaan u bandhignay Afyare Cabdi Cilmi oo ah Agaasimaha Macahadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage

Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay khilaafka Soo Kala Dhaxgalay Farmaajo Iyo Rooble oo salka ku haya Kiiskii Ikraan

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyey khilaaf siyaasadeedka cusub ee hareeyey madaxda dowladda federaalka ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

War-saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.”

“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka f壯陽藥 ogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka madax Soomaaliyeed, si bey yiraahdeen, aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay

Leave a Reply