Agaasimaha Guud ee W/Tiknoolajiyadda oo daah furay madasha xirfadlayda Tiknoolajiyadda ee

21- October-2023

Ugu horreyn Agaasimaha guud, ayaa ku bogaadiyey hawl-wadeenada Madasha SomNOG joogteynta tababarada iyo shirarka lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiada waddanka. Waxa uuna si gaar ah ugu hambalyeeeyey in markale sanadkan soo agaasimaan shirweynihii 6-aad oo maanta ahaa furitaankiisa qeybt壯陽藥 a tababarada.

“Waxaan aad ugu hambalyeynayaa wiilasha iyo gabdhaha nasiibka u helay inay ka faa’iideystaan tababarada sannadkaan. Waxaan hubaa inay waxbadan ka caawin doonto horumarinta xirfaddiina maadama ay yihiin casharro gacanta laga sameynayo”ayuu yiri Agaasime Duwane.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxay aad u dhiirigalinaysaa dadaalada noocan oo kale ah, oo ay bahwadaagta xirfadda Teknoolijiyada ku wadaagayaan aqoonta iyo horumarka ICT-ga, Maadaama lagu jiro qarnigii xogta iyo dhijitaalka.

Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group – SomNOG), oo markii 6aad la qabanayo Sanadkaan waxay isugu jirtay tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo, waxaana ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa xirfadaha la xiriira kaabayaasha iyo adeegyada Teknoolojiyadda, waxaana 25-26 Bishaan Dhaka us Shirweynaha Madasha.

Tababaradaan waxaa lagu bixinayaa Xarunta Jaamacadda Benadir University oo sanadkaan martigalisay.

Leave a Reply