19″ December “2022”
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray degmadda Doolow ee Gobolka Gedo.
Wafdiga Agaasimaha ayaa Magaalada Deelow ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka.
Agaasime Mahad Salaad ayaa lagu wadaa in kulamo la la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka, xilli halkaas ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Magaalada Doolow ku sugan Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyagoo halkaas kulamo ka sameeyey.
Safarka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ee Gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf xooggan uu kadhaxeeyo Maamulka Gobolka iyo Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.