Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
9- Nov-2023- Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u mahad-celiyay golaha wasiirada oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku meel-mariyayy Xeer Nidaamiyaha Hay’adda NISA, kadib markii uu soo maray habraacii loogu talagalay.
Mahad Salaad ayaa sheegay in golaha wasiirada ay qaadeen tallaabo loo baahnaa, isla-markaana uu uga mahadcelinayo meel marintan xeerkaan oo muhiim u ah NISA.
“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAHA Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xeerkaan uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta howlaha Hay’adda Nabad Sugidda, isla-markaana uu lama huraan u yahay shaqada.
“Xeer-nidaamiyahaan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u eh socodsiinta iyo horumarinta howlaha HSNQ; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangalinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkaani faah-faahinayaa isla-markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada HSNQ” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.
Ugu dambeyn wuxuu talisku u mahadceliyay dhammaan quburaduu iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyay xeer-nidaamiyaha NISA ee maanta la meel-mariyay.
Dhanka kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fudaydinta iyo talada arrimaha Xeerkan la xiriira” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka uu soo saaray taliya Mahad Salaad Maxamed.
