Thursday ” 2 September “2021” Muqdisho
Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, isla markaana ka jawaabaya saameynta uu ku yeeshay COVID-19 dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya agab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo Saddex gadiidka gurmadka dega dega oo loogu talagalay magaalooyinka Tog-wajaale, Dhoobleey iyo Balad-xaawo oo dhammaan ku yaallo xuduudaha dalka.
Wakiilka IGAD u qaabilsan dhanka Caafimaadka Marwo Mariam Maxa壯陽藥 med Aadan, ayaa Agabka Caafimaad ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaakda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin ( Dr Gurey), ayaa uga mahadceliyay Urur gobaleedka IGAD, Midowga Yurub iyo xafiiska Qaramada Midoobay deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.
Urur gobaleedka IGAD ayaa si dhow ula shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka taageero dhinacyada Awoodda Aqooneed ee shaqaalaha, dib u heshiista, Nabadda iyo dhinaca Ururada Bulshada rayidka iyo dhaqanka.