Sunday “29”” August” 2021″ Bbcsoamali
Agnes Sithole ayaa geesiyad u noqotay boqollaal kun oo haween madow ah oo ku nool Koonfur Afrika. Iyadoo jirtay da’da 72, ayay seygeeda geysay maxkamad si ay uga hor istaagto inuu iibiyo gurigooda iyada oo aan raalli ka ahayn – taasna waxay sababtay in shuruucda soo jiray tobnaanka sano ee xilliyadii Caddaanku ka talinayay dalkaas ay u oggolaadaan inay heysato waxa ay xaqa u leedahay.
‘Waxay ahayd inaan dagaallamo amaba aan derbijiif noqdo’
Agnes Sithole way ogeyd in guurkeeda ay caqabad soo wajihi doonto. Waxay guursatay Gideon, oo ay is jeclaayeen xilligii ay dhiganayeen dugsiga sare sanadkii 1972, balse waxay markiiba ogaatay inay iska indha tireyso waxa ku soo socda oo ay ka mid tahay gogol-dhaafka ninkeeda uu sameyn doonto ee tobnaanka sano qaadan doonto.
“Mar walba wuxuu ku jiri jiray xiriirro gogol-dhaaf ah oo kala duwan balse weligeed ima aysan saameyn ilaa sanadihii 2016 iyo 2017 markaas oo uu doonayay inuu iibiyo hantideenna,” ayay tiri.
“Jawaabtiisu mar walba isku mid ayay ahayd – inuu yahay gurigiisa, hantidiisa, anigana aanan waxba lahayn.”
Markii ay weysay gurigeeda, ayay Agnes go’aansatay sanadkii 2019 in ninkeeda ay la tiigsato maxkamadaha Koofur Afrika, taas oo ahayd tallaabo aan caadi ahayn oo ay qaaddo haweeney madow ah oo da’deeda ah.
“Markaas waxaan jiray 72 sano – xaggeen aadi lahaa xaggeense ka bilaabi lahaa? Marka waxaa keliya ii furneyd inaan dagaallamo amaba aan cimrigaan derbijiif ku noqdo.
“Waxaan u maleynayaa in baahidu ay iga dhigtay geesiyad. Haddii aysan baahi jirin waxaa laga yaabaa inaan sidaa sameeyeen. Waxay ahayd inaan noqdo qofkaas dhahaya maya.”
‘Haweeneydu ikhtiyaar malaha’
Agnes ayaa guursatay xilli haweenka madow ee Koofur Afrika aan loo oggoleyn inay yeeshaan hanti, iyadoo ragga la siin jiray dhammaan xuquuqda hantida iyo inay yihiin qofka madaxa ka ah guriga.
“Berigii hore, haweenka lama siin jirin wax ikhtiyaar ah – waa inaad sidaas oggolaataa amaba aadan guursan weligaaba,” ayay tiri Agnes.
Isbeddel lagu sameeyay sharciga lahaanshaha hantida ee lammaanayaasha sanadkii 1988 ayaa u oggolaanaya inay lamaanayaashu isbeddel ku sameeyaan arrintaas si haweenka loogu oggolaado inay xaq la mid ah kan ninka ay yeeshaan.
Si kastaba, ma ahayn mid fudud – haweenka madow waa laga doonayay inay oggolaansho ka helaan raggooda, ay bixiyaan lacagta codsiga.
“Waynu ogeyn in sharcigu is beddelay waxaana u heysannay in qof walba uu khuseeyo,” ayay tiri Agnes. “[Mar dambe], markii aan ogaaday in sharcigu i khiyaamay, ayaan ogaaday inaan ku qasbanahay inaan ka dagaallamo arrintan.”
‘Qoyska ugu saboolsan kuwa faqiirka ah’
Agnes waxa ku dhalatay Vryheid, magaalo yar oo dhuxusha laga qodo oo ku taalla waqooyiga gobolka KwaZulu-Natal.
Qeybaha dalkaas, waxaa ka jirtay kala qeybsanaan dhaqaale oo muuqata oo u dhaxeysa jinsiyadaha sanadihii 1940-meeyadii, aabbaheed ayaa shirkadda waddooyinka tareennada ee Koofur Afrika u nadiifin jiray tareennada isla markaana “xafiiska shaah ugu sameyn jiray ragga caddaanka ah ee madaxda u ahaa”, halka hooyadeed ah ahayd “shaqaale guri” oo dharka u dhaqi jirtay, nadaafadda guriga qaabilsaneyd isla markaana cuntada u karin jirtay qoysaska caddaanka ah”.
“Waxaan ka dhashay qoyska ugu faqiirsan kuwa saboolka ah, waaliddiinteyda waxay ahaayeen shaqaale. Tusaale aad u fiican ayay inoo noqdeen aniguna waan qaatay wixii ay ina bareen,” ayay tiri Agnes.
“Mar walba kaniisadda ayaan aadi jirnay. Markii aan soo weynaaday, dadka heysta madhabta Kaatooligga looma oggoleyn inay is furaan, xitaa haddii aan arko in arrimuhu aysan si fiican ku socon.
“Ma dooneyn inaan mar kale guursado amaba aan heysto carruur korta iyadoo labadooda waalid aysan guriga joogin – waa wixii aan bartay.”
‘Waxaan ahay qof howlkar ah’
Iyadoo ay caqabadaha jiraan, ayaa Agnes waxay aragtay waaliddiinteeda oo la dalaa dhacaya inay isla joogaan oo aan dooneyn inay kala tagaan sidaad darteed ayaa waxay ku fekertay inay hesho nolol fiican.
Waxay ahayd kalkaaliso kahor inta aysan guursan Gideon, kaddib, waxay billowday inay gurigeeda k犀利士 u iibiso dhar, iyadoo shaqooyin kale oo badanna qaban jirtay si ay u dabbarto nolosha qoyska.
“Waxaan durba ogaaday inaan keligey ahay, sababtoo ah seygeyga nolosheenna marna wuu ku jiray marna wuu ka maqnaa,” ayay tiri Agnes, oo afar carruur ah u heysa.
“Waxaan ka imaanayaa shaqada kaddibna waxaan bilaabayaa dhar tolid, inaan soo iibsado siina iibiyo dhar. Wax badan baan sameyn jiray markaas sababtoo ah waxaa iga go’neyd in carruurteydu ay iskuul aadaan.
“Aniga dabeecad ahaan qof howlkar ah ayaan ahay, nolosheyda oo dhan waan halgami jiray. Waan ogaa inaysan ahayn inaan nin ku tiirsanaado sababtoo ah taas waan arkay sidaas darteed intaan qof u dagaallami lahaa inuu aniga wxa ii sameeyo, aniga ayaa nafteyda u sameynaya.”
Kama shalleynayo
Labo sano kaddib – bishii April 2021 – Maxkamadda Dastuuriga ah ee Koofur Afrika ayaa ku raacday xukun ay hore u ridday Maxkamadda Sare oo ahaa in sharciyada haatan jira ay faquuqayaan lammaaneyaasha madowga ah iyo gaar ahaan haweenka madow.
Waxay xukmisay in dhammaan guurkii dhacay kahor 1988 lagu sameyn doono isbeddel oo ay haweenku qeyb ka ahaan hantida qoyska.
Agnes iyo gabadheeda ayaa xukunkaas ka daawanayay qolkooda hurdada. Mrakii hore, ma aysan rumeysan inay kiiska ku guuleysatay ilaa uu qareenkeeda soo wacay.
“Ma aynaan fahmi karin waxa dhacaya sababtoo. “Sidaas darteed waxba ma aynaan la socon. Caloosha ayaa i gubaneysay, wana baqayay balse iimaan baan lahaa.
“Farxad baan la ilmeeyay. Waan ku farxay inaan badbaadinnay kumannaan haween ah oo guurkeyga oo kale ku jiray.”
Agnes ayaa sheegtay in dagaalkeeda ay u aaneyneyso caqabadaha badan ee ay la kulantay.
“Waa dabeecaddeyda, qpfka aan ahay iyo sidaan wax u sameeyo, waxaan doonayaa inaan noqdo qof isku tiirsanaada,” ayay tiri. “Waa wax dhif ku ah dhaqankeenna iyo haweenka jiilkeenna.
“Aniga ahaan, inaan ku guuleysto kiiska waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aan weligey la kulmo, sababtoo ah guusheyda waxay la mid tahay inaan annaga oo dhan guul weyn gaarnay.
“Weligey kama shakin go’aankeyga, waxaan nafteyda ku iri, ‘Waxan waan arki doonaa halka ay ku dhammaato haddii aan guuleysto iyo haddii aan guul darreysataba’.”
Cafin
Agnes waxay iska cafisay Gideon, oo xanuunka Covid-19 u geeriyooday intii uu socday kiiska maxkamadda.
Labo maalmood kahor dhimashadiisa, wuu raalli geliyay xaaskiisa iyo gabdhihiisa, isagoo ka xumaa sida ay xaaladdu isku beddeshay.
Agnes ayaa mar dambe ogaatay in dhaxalka aan laga reebin oo keliya ee, uu gurigoodii ay isku guursadeen uu siiyay qof kale. Balse maxakmadda ayaa laashay qorshihiisa.