Daawo: Maxaa Laga Yiri Dhameystirka Dastuurka Oo uu Baarlamaanka Somalia Gudagalay ?

12-Feb-2024

壯陽藥 12.png” alt=”” class=”wp-image-118758″/>

Ma Hoggaamiye iyo Hoggaamiye ku xigeen’ ayaa lagu badalayaa magaca madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ?

Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Baarlamaanka Soomaaliya

Ahmiyada Ay Somalia Ugu Fadhiso Dhameystirka Dastuurka”

1960kii ayaa u danbeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay.

Baarlamaanka maanta jira wuxuu nasiib u yeeshey inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka doodo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

Umadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in dastuurka la ansixiyo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan:

  1. Dastuurka waa hortabinta 1aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.
  2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taas oo ay ugu horeyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.
  4. Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.

Haddaba anigoo ku bogaadinaya Baarlamaanka Soomaaliya shaqada hufan oo ay dhabarka u riteen ayaan u rajeynayaa inay si habsami leh uga doodaan ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dawladda kala cadeynaya.

Waxaa sidoo kale bogaadin mudan hay’daha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka oo u soo dhabar adeegay inuu dastuurka halkan soo gaaro Ayuu yiri agaasimihii hore ee Madaxtooyada 🇸🇴 Hussein Sheikh Mohamud oo qoraalkiiza ciwaan uga dhigay Now Or Never

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegsita Iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa Warbixin siiyey Labada gole ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe” Maadaama waqtigu cariiri yahay waxaan qabaa inaan habeenkiina shaqeyno ilaa 12:00 saqda dhexe, qof kastana dooddiisa halkaan haka soo jeediyo”.

Xildhibaan Mahdi Guuleed” Shaqadani waa muhiim waa inaan waqti galinaa, waxaana u baahanahay in xitaa aan habeenkii shaqeyno”.

Laakiin Siyaasiga C/raxaman C/shakuur oo ka soo horjeeda qorsha dhameystirka dastuurka ayaa yiri

Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Cismaan Muxiyadiin Shaatax” waxaan sameyn doonaa waddo isku xirta Baarlamaanka iyo Bulshada si Dastuurka loogu helo afti dadweyne oo dhameystiran”

Qaar ka mida Shacabka Muqdisho ayaa ka hadlay dhameystirka dastuurka oo baarlamaanku gudagalay

Leave a Reply