Tuesday ” 24″ Aug” 2021″ Muqdisho
Garabka Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.
Qoraal ay soo saareen Garabka Cabdi Xaash ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016 oo maamulkeeda loo daayay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.
Garabka Siyaasiyiinta Somaliland Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay mar kale caddeeyeen in Guddiga doorashada Somaliland ee SEIT uu u kala qeybsan yahay labo guddoon, isla mark壯陽藥 aana aan weli la xalin khilaafka dhinacyada.
Waxaa ay sheegeen in aysan dhici doonin doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Somaliland, iyada oo aan la xalin khilaafka, sidoo kalena aan la mideyn Guddoonka Guddiga doorashada Somaliland, ayna kasoo horjeedan habraacyada lasoo saaray.
Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa intaas kusii daray in doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland ay Saldhig u yihiin Odayaasha dhaqanka ee ku jira 135-ka Odey, sida xulista ergada iyo Asteynta qoondada kuraasta Haweenka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Garabka Cabdi Xaashi