Al-Jazeera ayaa daabacday warbixin ku saabsan horumarka dhanka Internet-ka ee Hormuud Telecom..

1’Aug’2024″ Al-Jazeera ayaa maanta daabacday warbixin ku saabsan horumarka dhanka Internet-ka ee Hormuud Telecom ay u horseeday Somalia ooy ku jirto hirgelinta Internet jiilka 5aad ee 5G.

Shirkadda weyn ee Hormuud Telecom ayaa adeegga 5G ay ku baahisay caasimadda Somalia ee Muqdisho Iyo in ka badan 30 magaalo oo ku kala yaalla Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug.

Macaamiisha shirkadda Hormuud Telecom ayaa bilaabay inay helaan adeegyo casri ah Iyaga oo ka fa’iidaysanaya Tignoolajiyad horumarsan oo Muqdisho loogu keenay kadib markii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay ka hirgalisay dalka ku yaal bariga africa Adeegsiga #5G

Intaa waxaa dheer, #Hormuud5G waxay qorsheyneysaa inay ka faa’iideysato 5G si ay u xoojiso nidaamkeeda maaraynta musiibooyinka iyadoo la geynayo agabka IoT ee ku qalabeysan dareemayaasha waqtiga dhabta ah