Al-Shabaab ayaa beenisay inay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood,

10″ February “2023

Hayadda Amnesty International oo ka hadashay colaada Laascaanood ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay wararka sheegaya in dad badan ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada maamulka muuse biixi iyo xoogagag deegaanka

Amnesty ayaa cambaareeysay barakac, & burbur soo gaaray guryo & isbitaal. Dilalka sharci darrada ah iyo xadgudubyada kale ooy ku baaqdayin la joojiyo

Maamulka muuse biixi ayaa sheegay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan koox argagixiso ah iyadoo Argagixsada Alshabaab ay beenisay inay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood

Dadkii ku haray gudaha Laascaanood ay bilaabay inay ka qaxaan magaalada. Iyadoo sarkaal Qaramada midoobay ka tirsan uu sheegay in dagaalku uu ku qasbay guryahooda inay ka cararaan dad gaaray 80,000 kun oo qof

Al-shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in hadalka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiyay Somalimemo.

Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalkaas ayaa sababab barakac ballaaran oo dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood.

Leave a Reply