Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyada ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya

17- September-2023

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex-marayo deegaanka Booco oo ku dhaw degmda Rabdhuure ciidamada Itoobiya oo ku socday degmada Waajid iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo waddada u galay. Dheeho News Every Day

Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduudda ayaa ku socday degmada Waajid kahor inta aanay waddada u galin xubnaha Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo wareed壯陽藥 yo deegaanka ah.

Lama oga baaxadda khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aagga uu dagaalku ka socdo.

Saraakiisha gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalka uu socday in muddo ah aroornimadii maanta, inkastoo aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meel ku dhow degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool