8″ Aug” 2022″ Radio Kulmiye

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Teedaan oo hoos yimdaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta halkaasi Al-shabaab ku gowraceen saddex ruux oo shacab ah.
Lama oga sababta rasmiga ee Al-shabaab u gowraceen dadka rayidka ah ee ku sugnaa deegaanka Teedaan.
Al-shabaab ayaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawada ka saareen Isgaarsiinta deegaannada hoos yimaada degmada Maxaas.
Dhacdani ayaa ku soo aadeysa, xilli dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay shalay gubeen guryo ku yaalla ilaa shan deegaan oo hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.