Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal galabta ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka uu ku bilowday kaddib markii xubno Maxaabii Shabaab ah uu gacanta u galay hub, dabadeedna ay toogasho ku bilaabeen ilaalada Xabsiga.
Dagaal qaatay ku dhowaad labo saac ayaa dhex maray xubnaha Al-Shabaab ee maxaabiista ahaa iyo Ilaalada Xabsiga Dhexe ee ka tirsan Ciidanka Asluubta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay iska hor imaadka, waxaana la sheegay in illaa afar askari oo Ilaalada Xabsiga ah ay dileen maxaabiisti hubka gacanta u galay.
Xubnaha Al-Shabaab ee maxaabiista ahaa ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah Xabsiga la wareegeen iyagoo muddo saacado ka dhex dagaalamayay.
Ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka u tababaran ayaa gurmad ahaan u tagay Xabsiga dhexe, iyagoo ka qeyb qaatay howlgalka ka dhanka ahaa dableyda hubeysneyd xabsiga ka dhex dagaalamayay.
Wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ayaa bartiisa Facebook ku daabacay in howlgalka la soo afjaray, ciidamada booliska ay dileen afar ka mid ah dableydii hubeysneyd ee maxaabiista ahaa, waxaana la sheegaya inuu baxsaday mid ka mid ah maxaabiista.
Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga qaabka ay ugu suura gashay maxaabiista in hub gacanta u galo, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in hubka loo dusiyay.