Friday ” 3″ September “2021
War kasoo baxay Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray hay’ada sirdoonka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hadalkaasi oo ahaa in Al-shabaab ay ka dambeeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaalad u shaqeyneysay hay’adda NISA.
War lagu baahiyay Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka dambeeynin dilka gabadhaas, wax shaqo ahna aysan ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay Ikraan Tahliil.
Dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ay sheegeen in dilkaasi aysan lug ku leheyn, waxaana ay intaas ku dareen in dowladdu ay masabidatay oo ay dusha ka saartay kiis aysan lug ku laahyn, waa sida lagu sheegaye warka lagu daabacay warbaainta taageerta Al-shabaab.
Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Xalay fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.
Hasayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.”
Hadalkii kasoo yeeray Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa noqday mid hadal hayn badan dhaliyay, waxaana qaar ka mid ah siyaas壯陽藥 iyiinta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay sheegeen in Al-shabaab aysan dilin Marxuumad Ikraan Tahliin Balse ay ku maqan tahay gacanta dowladda, iyadoo shaki galiyay warkii shalay la baahiyay ee ku aaddanaa