1″ Aug”2022* Galmudug
Wararka naga soo gaaray deegaanka Cadakibir oo hoos yimaada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qarxiyeen Ceel biyood ku yaall deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dhacdadaan ay dhacday 4:00, markaasi oo dadka ay inta badan hurdeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay sidoo kale qarxiyeen xarruumaha laba shirkad oo kuwa Isgaarsiinta ah, kuwaasi oo ku yaalla deegaanka Cadakibir.
Cadakibir waa deegaan Cadaado dhanka bari uga beegan 60 KM壯陽藥 , waxaana Degmada Baxdana oo dhowr jeer Shabaabka weerareen u jirta 30KM oo jihada Galbeed ah.