Al-Shabaab oo Sheegtay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax maanta ka dhacay Magalada Kismaayo ee Xarunta  KMG u ah Maamul Goboleedka jubbaland.

Qaraxa oo ahaa mid khasaare badan dhaliyay ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbland, waxaana la sheegay inn uu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Jubbaland gaar ahaan ilaalada Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, kaasi oo ka mid ahaa dadka maanta ku dhintay qaraxa ka dhacay Kismaayo.

Warar lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay qaraxaas oo ismiidaamin ahaa ay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in ay bartilmaameed sadeen mas’uul ka tirsan maamulka jubbaland, balse khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa soo gaaray dadka shacabka ah.

Qaraxa oo ahaa mid uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu bartilmaameed saday dad Salaad kasoo baxay oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland

Leave a Reply