1- February-2024,- BBC
Maxay wali u shaqaynayaan bogagga Al Shabaab kadib markii dawladdu sheegtay in ay tirtirtay dhamaantooda?
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda Al-shabaab.
Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan al Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin al Shababa oo shaqaynaya”.
Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.
Waxay u muuqataa in ay halkaan ka socoto ciyaar ila meereyso ah oo ka dhaxaysa labada dhan.
Sidee bay dawladuhu u xayiraan bogagga internet ka?
Weli waxaa shaqaynaya bogag ay internet ka ku leeyihiin al Shabaab, waxaana laga yaabaa in ay furtaan kuwa kale marka laga xiro bogagga baraha bulshada iyo mareegaha internet-ka ee ay haatan ku adeeganayaan. Haddaba farsamo ahaan sidey dawladi u xakamayn kartaa ama u joojin kartaa mareegaha iyo baraha bulshada ee bartilmaameedka u ah?
Su’aashan waxaa weydiinay khabiir ku takhasusay arrimaha amniga internet-ka iyo teknoolajida oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
“Marka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay” ayuu yiri khabiirku.
Saas darteed Waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.
“Shirkadaha baraha bulshada ayaa waxaa u yaala siyaasad iyo nidaam ay wax kaga qaban karaan bogagga lala xiriiriyo argagixisada iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah, taas oo haddi ay wax ka qaban waayaan lagu dacweyn karo …dhamaantoodna waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan maxaa yeelay horay ayey u dhacday in akoonno badan laga xiro kooxo noocaas oo kale ah” ayuu yiri khabiirku.
Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan in ay yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, saas darteed dawladdu shirkadahaas ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa.
Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan oo wasiir Al cadaala iyo khabiirkuba isku raaceen in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar bangi taas oo wasiirku sheegay in ay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegahaas.
Dawladaha horu maray sida uu khabiirku sheegay waxay leeyihiin hal mee loo laga xakameeyo guud ahaan internet-ka taas oo u fududeynaysain laga war hayo tilaabana laga qaado bogagga iyo mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee wuxuu khabiirku shaki ka muujiyey in dawladda Soomaaliya ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.
Balse sida muuqata wali waxaa shaqaynaya bogag ay leedahay kooxda la Shabaab, guud ahaan talaabooyinkaasina waxay u muuqdaan kuwa aan ku guuleysan xakameynta internet ee al Shabaab.