Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Is-Miidaaminta Ahaa Ee Lafoole

2″ January “2021

Qarax is-miidaamin ah ayaa barqii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka oo Ilaalo ka haayay Injineero dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad walxaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu la beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qofka inta uusan is qarxin kahor ay rasaas badan ku fureen Ciidanka Haramcad oo goobta ku sugnaa, uun markii ninkaas ku soo dhawaaqay uu ku qarxay Ciidamo saarnaa gaari Cabdi Bile ah

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoona sheegay inuu fuliyay qof isa-soo miidaamiyay.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka labada kalena oo tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxii ka dhacaay deegaanka Lafoole, mana ah markii ugu horreeyay oo qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacdo wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Leave a Reply