Al-shabaab oo weerar ku billowday Madaafiic ku qaaday deegaanka Aato

29″ July “2022

Wararka ka imaanaya deegaanka Aato ee gobolka bakool ayaa sheegaya in halkaasi saakay dagaalameyaasha Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku weerareen xaafado ka tirsan deegaankaas.

Madaafiicda ayaa inta badan laga maqlay dhammaan deegaanka Aato iyo nawaaxigeeda sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan weerar toos ah oo saacado qaatay kaasi oo dhex maray ciidanka dowladda iyo dagaalameyaasha al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Madaafiic犀利士 da ayaa la tilmaamay in ay ku dhaceen xaafado ay deganyihiin dad shacab ah iyo saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha deegaanka Aato.

Weerarka madaafiicda iyo dagaalka dhacayba wxaa ka dhashay khasaara kal duwan wallow aan la xaqiijin Karin inta ay gaarsiisanyihiin maadaama hawada laga saaray isgaarsiinta.

Leave a Reply