Al-Shabaab oo Dad Qooys Kawada Tirsan Ku Laayay Magaalada Waajid !!

25,November_ 2020_ Waajid”

Dagmada Waajid oo dhacda Gobolka Bakool ayaa xalay waxaa weerar xoogan oo lagu qaaday Guri ku yaalla degmadaas ,xili ay ku sugnaayeen qoyska ka koobnaa Hooyo, Caruurteedii, Aabahood iyo dad xoolo dhaqato ah oo Marti u Ayaa.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gebi ahaan soo gaaray qoyskii ku sugnaa Guriga oo ku yaalla degmada Waajid

Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo ay ku jiraan , Caruur yar yar iyo waalidkood ayaa ku geeriyooday weerarkaas oo masuuliyadeeda ay sheegteen kooxda shabaab.

Aabaha qooyska la laayay oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka, ayaa isku dayay iska caabin. wallow markii dambe rasaasta ay ka dhammaatay, kadibna guriga loogu galay, sidaasina lagu laayay qoyska.

Ilaa iyo hadda lama oga wax ay ahaayeen ragga weerarka geystay, kuwaasi oo goobta ka baxsaday, waxaana dhacadadaas siweyn uga naxay dadka deegaanka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeedd Soomaaliya.

Alshabaab oo dad qooys kawada tirsan ku laaysay Magaalada Waajid

Leave a Reply