Alexis Sanchez Ayaa Ku Sii Jeeda Kooxda Inter Milan Isagoo Xor Ah

Dailymail.

Heshiiska Alexis Sanchez uu ku aadayo kooxda Inter Milan ayaa haatan la xaqiijiyay

Xiddiga reer Chile ayaa u dhaqaaqay kooxda Inter Milan isagoo si xor ah uga yimid Manchester United

31 jirkan ayaa xilli ciyaareedkii 2019-20 amaah ku qaatay kooxda Antonio Conte

Sanchez ayaa United uga soo dhaqaaqay United sanadkii 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda Arsenal laakiin waxa uu u duulay garoonka Old Trafford

Waxaana United ay go’aansatay inay soo afjarto labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaska Sanchez

Alexis Sanchez ayaa ka tagaya Manchester United kuna biiri doona kooxda Inter Milan isagoo si xor ah ugu biiraya.

Amaahda Sanchez ee kooxda Inter ayaa la sheegay inuu dhacayo khamiista, laakiin labada koox ayaa ogolaaday heshiis uu xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Chile ku sii joogayo labada sano ee hartay ee qandaraaskiisa United isla markaana uu si rasmi ah ugu dhaqaaqo San garoonka Siro,stadium

Sanchez ayaa qarka u saaran inuu qalinka ugu duugo heshiis seddex sano ah oo uu ku qaadanayo mushahar kaas oo ka dhigi doonta inuu helo adduun dhan £ 130,000-todobaadkii kadib canshuurta.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

31 jirka ayaa la filayaa inuu u ciyaaro kooxda reer talyaani kulanka arbacada ee Europa League ee ay la leeyihiin Getafe halka United ay talaabo ka qaadayso LASK, iyadoo labada naadi ay isku diyaarinayaan inay soo saaraan bayaan ay ku xaqiijinayaan heshiiska.

Waxay soo afjarmay Sanchez joogitaankiisii United taas oo soon bilaabatay bishii Janaayo 2018 markii ay kooxdu ka horjoogsatay naadiga ay xafiiltamaan ee Manchester City inay kala soo wareegaan Arsenal iyagoo ku bedelanaya ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 35 milyan ginni ee Henrikh Mkhitaryan.

Sanchez ayaa loo gacan galiyay qandaraaskii ugu qaalisanaa ee Premier League oo qiimahiisu ahaa $ 560,000-todobaadkii taas oo ay kujirto mushaharka aasaasiga ah ee ah £ 300,000 iyo xuquuqda sawirka ah ee £ 100,000

Leave a Reply