Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay wasiirkii haweenka ee Soomaaliya.

21- December-2023

Meydka wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, maalin kadib markii ay ku geeriyootay 59 Jabuuti .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoonka Labada Aqal, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiin kale duwan ayaa Garoonka Diyaaradaha Aaddan Cabdulle Cismaan si wada jir ah ugu la tukaday salaadda Jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale masuuliyiin, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wasiirro iyo qayabaha kala duwaan ee bulshada ayaa qayb galay ogista salaadda jannaasada marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ka hor inta aan la aasin, ayaa Imaam ayaa Salaadda ugu duceeyay Marxuumka ku tukaday Garo壯陽藥 onka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, halkaasoo ay ku soo degtay diyaaradii meydka meydka ku soo xirtay naxashkii Calanka.

Leave a Reply