Daawo:Alshabaab oo lagu xasuuqay Jubbada Hoose Hub badanna looga furtay

22-July-2024

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa saakay afka ciida u daray khawaarijtii soo weerartay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubada hoose, iyadoo halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in khawaarijtii soo weerartay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee Jubbaland lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Khawaarijtii saaka soo weerartay goobihii laga xoreeyay ee Jubbada Hoose waxeey la kulantay guul-darro aad u waawayn, Ciidanka Qaranka ee Xoogga iyo Jubbaland waa mahadsanyihiin, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Meydadka khawaarijta oo tiro beel ah aya daadsan dhulka, waxaana halkaas loogu furtay hub fara badan, sida ka muuqato muuqaallada iyo sawirrada hordhaca ah ee laga soo qaaday halkaas ayaa muujinaya Meydad daadsan halkaas oo aan xisaab lahayn, sidoo kale hub farabadan ayaa iyana qeyb ah.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan deegaanno farabadan khawaarijta kaga saaray halkaas, iyadoo dhawaan la furay wadada isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo aalmihii u dmabeeyay kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.