12- October 犀利士 2023
Kooxda AlShabaab ee Soomaaliya ka wada dhibaatada ayaa sheegtay inay ka barbar dagaalami doonto ururka Xamaas ooy ku amaaneen dagaalka ay kula jirto Israel Dheeho.com
Bayaan ay soo saartay Al-Shabaab oo ku qornaa af_carabi ayaa si weyn loogu taageeray Ururka Xamaas,Iyadoo lagu xusay Bayaanka inay fuliyeen weeraro loogu yeeray mid barakeysan oo lagu difaacayo dhulka Falastiin iyo Masjidka Al-Aqsa
Horay Al-Shabaab ayaa u taageertay reer Falastiin oo muddo 50 sanno ay dhibaato ku hayaan ciidamada Israel oo xoog uga qabsaday dhul ballaaran.
Waxaa kale oo Al-Shabaab ay tilmaamtay in Muslimiinta oo dhan ay leeyihiin hal cadow oo u midoobay sidaas daraadeeda loo baahan in isagana meelo looga soo wada jeesto.
“Cadowgeena iyo cadowgaagu waa mid waxay isu uruursadeen inay ummadda Islaamka ka horyimaadaan, waxayna isu bahaysteen inay dhibaato u gaystaan shucuubta Muslimiinta, bari, galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba.” ayaa bayaanka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab
Sidoo kale kooxda ayaa intaasi ku dartay, haddii ay heli laheyd waddo ay u marto Falastiin inay ku biiri lahayd dagaalka, ayna ka barbar dagaalami lahaydXamaas, balse waxa ay tilmaamtay in ayadu ay ka dagaalameyso bariga Afrika, iyaguna ay ka dirirayaan Falastiin.
“Haddii aan waddo idiin heli lahayn, idinkama dib dhici lahayn inaan adiin imaano, laakiin waxaad ku halgamaysaan dhulka Falastiin, anagana waxaana ka dagaallamaynaa dhulka Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya
Sanadkii 2019-kii markii Trump u aqoonsaday Qudus caasimada Israel, Al-Shabaab ayaa weerar arintaas uga jawaabayso ku qaaday Dusit Hotel oo Nairobi ku yaalla, saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Manda Bay oo isla Kenya ka tirsan iyo Beledoogle sanadkii 2020.