Amaanka Magalada Caasimada Ee Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyey

27-May-2024-Muqdisho

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xoojiyey qaybaha iyo ciidanka ka shaqeeya baraha laga soo galo maagaalada Muqdisho iyadoo weerarada iyo qaraxyada ay kooxda Al-shabaab.

Ciidanka halwlgalada iyo baraha Kontorolada magaalada Muqdisho iyo ciidanka siida qaaska ugu tababaraan Miina baarista gaar ahaan Xaywaanada uriya walxaha Qarxa ayaa shaqa wanaagsan Ka wada Kontoroolada laga soogalo magaala Moqdisho iyo hareeraha Magaalada

Talaabadaan ciidamada ay ku adkeynayaan amnga magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Shalay Safaraada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Muqdisho ay soo saartay digniino ay ku sheegeyso in meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka dhici karaan todobaadkan gudahiisa weeraro argagixo.

Ugu dambeyntii amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mudooyinkii dambe mid aad uga wanaagsana dhanka weerarada iyo qaraxyada ay kooxda Al-shabaab ka geysan jirtay gudaha Muqdisho

Leave a Reply