Ambassador Yamamoto oo Fariinta Maraykanka Gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo

MUQDISHO” RADIODALSAN

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa qeybta VIP-da ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada kala guurka siyaasadeed dalku galay, Shirka Dhuusamareeb 3 oo Mareykanku sheegay inuu rajo aad u weyn ka qabo in natiijo wanaagsan ka soo baxo iyo Arrimo kala.

Kulanka kadib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaa ay u ambabixi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socda garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas ku sugan Madaxweynaha Galmudug, ku-xigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Leave a Reply