10″ February “2023
Al-Thani oo ku tartamaya inuu iibsado Man Utd Sharciyada UEFA waxay keeni karaan dhibaatooyin Milkiilaha PSG ayaa kalsooni ku qaba犀利士 in heshiiska la dhameeyo Dheeho.com
Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa kalsooni ku qaba inuu dhameystiri karo iibka Manchester United inkastoo uu horey u lahaa Paris Saint-Germain.
Amiirka Qatar ayaa u soo baxay inuu yahay musharaxa ugu sarreeya si uu kooxda Premier League uga iibsado qoyska reer Glazer.
Qaadashada saamiga ugu badan ee kooxda ayaa noqon karta mid adag maadaama sharciga UEFA uu ka hortagayo kooxaha leh milkiilaha guud inay ku kulmaan Champions League.
Laakiin The Guardian ayaa ku warameysa in Al-Thani uu cadeyn doono in kooxaha ay yeelan doonaan kooxo gaar ah.
Al-Thani ayaa wajahaya tartan uu United kaga iibsanayo Sir Jim Ratcliffe, kaasoo si cad u sheegay inuu xiiseenayo inuu kooxda ka saaro gacmaha Glazers.
Waxaa lagu soo waramayaa in shan shirkadood oo isku dar ah ay ku loolamayaan inay la wareegaan Man-United Iyadoo Glazers uu codsanaya ku dhawaad 5 bilyan oo gini ($6bn) lahaanshaha kooxda Old Trafford, hadana was lacag Al-Thani uu si fudud u heli karo.
Waxaa jirta kalsooni ah in qorshaha Sheikh uu shaqeyn karo iyadoo Red Bull Salzburg iyo RB Leipzig ay si fool ka fool ah isaga horyimaadeen tartanka Europa League 2018
Iyadoo ololaha lagu raadinayo milkiile cusub kooxda uu socdo, Red Devils ayaa ku soo laaban doonta waajibaadka garoonka axada marka ay la ciyaaraan Leeds.