AMISOM oo dib u eegaysa howlgalkeedii nabad ilaalinta somalia oo soo gabagoobmaya 31-ka Maarso 2022

3″ March ” 2022

Hawlgalka AU-da ee Soomaaliya, oo uu fasaxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee AU-da & Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2007, wuxuu dhammaanayaa 31-ka Maarso 2022. 30ka maalmood ee soo socda, nagu soo biir annaga oo dib u eegis ku samaynayna dadaalka aan joogsiga lahayn ee AMISOM ee abuuritaanka xasiloonada Soomaaliya

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye, oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay in 1-da bisha April uu hawlgal cusub ka shaqo billaabi doono Soomaaliya.

Hawlgalka cusub oo lagu magacaabo African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) ayaa hawsha kala wareegi doono African Union Mission in Somalia (AMISOM), waxaana lagu wadaa inuu xoogga saaro sidii amniga dalka ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

Danjire Bankole ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen qorshaha hawlgalka cusub, ujeedooyinka laga leeyahay iyo muddada uu socon doono.

“7-da March 2022, waxa ay 15 sano u buuxsami doontaa hawlgalka AMISOM oo waxbadan ka qabtay nabadeynta Soomaaliya. ATMIS waxa ay xoogga saari doontaa saddex arrin oo kala ah; diyaarinta ciidan si fudud u ciribtir犀利士 a Al-Shabaab iyo xooggaga lamidka ah, nabadeynta dalka iyo in mas’uuliyadda amniga ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Bankole

Golaha ammaanka iyo nabadeynta ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ka hor 31-ka March ay soo geba gabeeyaan hannaanka kala guurka ah ee AMISOM ay ugu wareegayso ATMIS.

Hawlgalka cusub ayaa la filayaa inuu socdo muddo cayiman, dhaqaalihiisana ay bixinayaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay inay yeelato go’aanka ku aaddan qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub.

Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka, sida uu sheegay Danjire Bankole.

Magaca Hawlgalka AMISOM oo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da ayaa lays la ogolaaday in lagu badalo magaca howlgalka ATMIS

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

Hawlgalka ayaa la filayaa inuu isku beddelo ATMIS kadib marka ay ansixiyaan Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

Haddaba faahfaahinta heshiiskan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Xasan Maxamed Siciid Samatar oo ah Agaasimha Guud ee Wasaardda Gaashaandhigga Soomaaliya oo heshiiskaasi u saxiixay dhinaca Soomaaliya.

Leave a Reply